Dagaalka Mareykanka iyo Iran oo toddobaad jirsaday
Dagaalka ay Mareykanka iyo Israel kula jiraan Iran ayaa Jimcahan galay maalintii toddobaad, waxayna dhinacyadu sii wadaan weerarada ka dhanka ah midba midka kale.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israel ayaa si joogta ah u qaadaya mowjado weeraro ah, oo ay ku beegsanayaan guud ahaanba Iran.
Ciidamada Qalabka Sida ee Iran oo hormuud ay u yihiin kuwa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa si aan daal lahayn u garaacaya bartilmaameedyada Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo deegaanada Israel iyo dhulka xoogga looga haysto Falastiiniyiinta.
Madaxweyne Donald Trump ayaa xalay sheegay Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya kuwo Israel inay si buuxda u burburinayaan bartilmaameedyada Iran, isla-markaana uu hawlgalku u socdo si ka sarreysa qorshahooda dagaalka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad ayaa Iran ku eedeeyay in ay wadday 47 sano oo cabsi gelin ah, isagoo intaasi ku daray inay hadda ku foogan yihiin, sidii ay meesha uga saari lahaayeen.
Trump ayaa ku faanay inay baabi'inayaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, wuxuuna sheegay inay daqiiqado yar gudahood ku garaacaan goobaha ay Ciidamada Iran ka soo tuuraan.
Tan iyo markii Mareykanka iyo Israel ay Sabtidii si wadajir ah ugu duuleen dalkaasi Iran ayaa waxaa dunida laga dareemay qalalaase dhaqaale iyo sicir barar. Shidaalka ayaa ah waxa ay caqabadda ugu weyn ka taagan tahay, iyadoo Ciidamada Iran ay Khamiistii sheegeen in Marinka Hormuz uu ka xiran yahay maraakiibta shidaalka ee Mareykanka, Israel, Yurub iyo xulafada kale ee reer galbeedka, halka maraakiibta kale ee dunida ay mari karaan.
Marinka Hormuz ayaa ah isha ugu weyn ee ay adeegsadaan maraakiibta booyadaha saliidda ee gobolka. Marinkan ayaa waxaa dagaalka ka hor ka gudbi jiray shan meelood oo meel (20%) ee shidaalka dunida laga isticmaalo.
Trump ayaa munaasabaddii Aqalka Cad ka sheegay in maamulkiisu uu qorshe ka leeyahay wax ka qabashada kor u kaca ku yimid qiimihii shidaalka la kala siisanayay. Trump ayaana ku adkeystay in aysan joojin doonin hawlgalka militari ee Iran.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka oo fulinaya amarka Trump ayaa Khamiistii sheegay in ay duqeeyeen ku dhawaad 200 oo bartilmaameed oo Iran ah, 72-kii saac ee u dambeeyay. Taliska ayaa sheegay in duqaymahan lagu dhuftay goobo ay ku kaydsanaayeen gantaalada ballaastikada Iran, oo si qoto dheer dhulka hoostooda loogu aasay iyo ugu yaraan 30 markab oo dalkaasi laga leeyahay.
Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth ayaa isna Khamiistii sheegay in hawlgalka Mareykanka ee ka dhanka ah Iran uu si sax ah u socdo.
Wasiirka ayaa tilmaamay inay Iran ku taameyso in aanu Mareykanku awoodi doonin in uu hawlgalkan sii wado, taasoo uu ku sheegay xisaab khaldan oo shaqaduna ay sii socon doonto.
"Waxaan hadda keliya bilownay dagaalka, waxaana u dagaalamaynaa si go'aan leh." Ayuu yiri Wasiirka oo Warbaahinta ka soo muuqday, wuxuuna meesha ka saaray in aysan Militariga Mareykanka haysan hub ku filan oo hawlgalka ay ku sii wadi karaan. Hegseth ayaa sheegay inay qalab hor leh gaynayaan gobolka.
Dhanka kale Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa xalay warsaxaafadeed ku sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi ay wadaan weeraro ay kaga aargudanayaan duulaanka Washington iyo Tel Aviv.
Taliska ayaa ku hanjabay in ciidamadooda ay kordhin doonaan weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan cadowga soo duulay, isla-markaana ay ka shalaayi doonaan gardarrada ay ku hayaan dalkaasi.
Hanjaabadaha sii kordhaya ee dhinacyada ayaa hoos u dhigaya baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in si degdeg ahi dagaalka loo joojiyo.
Dunida ayaa ka welwelsan xasaradaha amni iyo dhaqaale ee dagaalkan uu ku yeelanayo xasilloonida dhaqaalaha, amniga iyo nabadda caalamiga ah.




