Dagaalka Suuriya oo ku fidaya dhul hor leh, iyadoo xaaladduna ay sii adkaaneyso
Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Suuriya iyo kooxaha fallaagada ee ka soo horjeeda ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, iyadoo dagaalkuna uu ku fidayo bartamaha dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo toddobaadkii hore ka qarxay waqooyi galbeed ee dalkaasi uu ku fidayo koonfurta iyo bartamaha. Kooxaha fallaagada ayaa dagaalka ku qabsanaya dhul hor leh.
Xoogagan oo aad arki karto inay ku socdaan qorsheyaal dagaal oo loo dejiyay ayaa is kala qaybinaya, iyadoo ay ciidamo uga tagayaan goobaha ay qabsadaan, halka kuwa kalena ay kulaalayaan dhulka ka maqan gacantooda.
Isbahaysiga fallaagada ayaa horey dagaalka ugu qabsaday saldhig militari oo muhiim ah oo ku yaala bariga Magaalada Xalab (Aleppo), waana xilli ay Sabtidii dagaalka ku qabsadeen magaaladaasi. Sidoo kale fallaagada ayaa la wareegtay Magaalada Idlib iyo deegaanada ka baxsan, iyadoona dagaalkooda ku ballaarinaya bartamaha dalkaasi.
Ciidamada Dowladda oo garabsanaya maleeshiyaad maxali ah ayaa isku dayaya in ay dib u caabiyaan xoogaga soo hujuumaya dhulka ay ku sugan yihiin.
Iyadoo fallaagada xagga cirka laga garaacayo, haddana waxay u muuqdaan kuwo aan la xakameyn karin, marka aad eegto dardarta ay ku socdaan. Ma cadda illaa iyo inta ay sidaan u sii lali doonaan.
Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa gacanta ku haysa inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Dimishiq iyo magaalooyinka kale ee ku yaala koonfurta, bartamaha iyo bariga, waana dhulka ay kooxaha kacdoonka sameynaya ay doonayaan in ay qabsadaan.
Taliska Militariga Suuriya ayaa si weyn abaabulaya Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka Shiicada ee diidan in la afgembiyo dowladda uu hoggaamiyo Bashar Al Assad.
Militariga Suuriya ayaa sheegay in meelaha qaarkood si weyn loo hubeeyay ciidamada, isla-markaana ay qaadayaan weeraro ay dib ugu la wareegayaan dhulkii laga qabsaday dowladda iyo taageereyaasheeda.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in ciidamo si degdeg ah loo hawlgaliyay ay wadaan weeraro ka dhan ah maleeshiyada soo duushay, xilli ay sheegtay in Ciidanka Cirka Suuriya ay duqayn ba'an ku hayaan fallaagada ku sugan Magaalada Aleppo.
Ciidamada Qalabka Sida iyo kooxaha u daacadda ah Madaxweyne Assad ayaa sanado ka dib dagaal qaraar ku wajahaya kooxaha Sunniyiinta ah ee ay hoggaamineyso Hayat Tahrir Al-Sham.
Waxaa lala yaaban awoodda kooxahan iyo weliba hubka casriga ah ee markii ugu horreysay lagu arkay, dhowr iyo toban sano oo dalkaasi ay ka dagaalamayeen.
Ruushka iyo Iran ayaa mar kale ku foogan burburinta kooxahaasi iyo sidii loo badbaadin lahaa Dowladda Madaxweyne Assad, iyadoo diyaaradaha dagaalka Ruushka ay garaacayaan Xalab, Idlib iyo Hama oo la kubaareeyay.
Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in la kordhiyay duqaymaha lagu hayo goobaha argagixisada iyo khadadka saadka, lana dilay tiro badan oo ka mid ah.
Madaxweyne Assad ayaa Dowladaha Ruushka iyo Iran kaga mahadceliyay is garabtaagooda buuxa.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Madaxweyne Assad uu wacad ku maray in laga adkaan doono kooxaha dagaalka kala soo horjeeda dowladdiisa.
Sabtidii, Madaxweynaha Suuriya ayaa dalalka reer galbeedka ku eedeeyay in dagaalka muddooyinkan ka socday Bariga Dhexe ay u soo rarayaan dalkiisa.
Iska horimaadyada ka socdo dalkaasi ayaa sii hurinaya colaadda gobolka ee ka dhalatay weerarada Israel ay muddada afar iyo tobanka bilood ah ka waddo Marinka Gaza.
Dagaalkan ayaa sidoo kale xoojinaya dagaalka sokeeye ee saddex iyo toban sano ka hor ka bilowday dalkaasi.
Khubarada ayaa sheegaya in dagaalku uu jahwareer badan ka abuuray Suuriya, isla-markaana ay xaaladda dalka u muuqato mid hubinti la'aan ah.
Shacabka oo la anfariirsan waxa ka dhacaya dalkaasi ayaa qaarkood ka barakacaya dhulka uu dagaalku ka socdo iyo jihooyinka uu u muuqdo in uu ku fidayo.
Iskuduwaha Gargaarka Qaramada Midoobey ee Suuriya, Adam Abdelmoula ayaa sheegay in dagaalku uu shacabka uga dhigan yahay khatar weyn oo soo food saartay.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya ee SOHR ayaa sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday Arbacadii la soo dhaafay ay dadka ku dhintay sii caga-cageynayaan 514 qof, oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah.
"Dhimashada ayaa gaartay 514 qof. 268 ka mid ah waxay ka tirsan yihiin dagaal-yahanada Hayat Tahrir Al-Sham, iyadoo 154 ay ka mid yihiin Ciidamada Dowladda iyo xoogaga taageersan, halka 92 qof ay rayid yihiin." Ayay SOHR ku sheegtay war ay soo saartay.
Dagaalka ayaa cawaaqib ba'an ku yeelanaya dalkaasi.