Danny Danon oo heshiiska Mareykanka iyo Iran ku tilmaamay wax aad u xun

Safiirka Israel u jooga Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa wax xun ku tilmaamay heshiiska ay dhawaan gaareen Mareykanka iyo Iran ee lagu soo afjarayo dagaalka Gobolka Bariga Dhexe.
Safiirka ayaa sheegaya in heshiiskan uu aad ugu xun yahay, isla-markaana aanu u wanaagsaneyn Israel, Mareykanka iyo dalalka Khaliijka.
Safiirka ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Channel 14 ee Israel ku sheegay in dadaalka degdegga ah ee Madaxweyne Donald Trump ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka uu u ogolaaday Iran inay horumariso buu yiri mowqifkeeda.
Wuxuu sheegay in heshiisku uu khatar ku yahay amniga Israel, Mareykanka qudhiisa iyo weliba dalalka Khaliijka ee xulafada la ah Mareykanka.
Danon ayaa xusay inaanan weli la gaarin go'aan kama dambeys, isla-markaana heshiiska xilligan uu yahay oo keliya qaab dhismeed lagu sii ambaqaadayo wada hadalada.
"Laakiin waa inaan sugno. Ma jiro go'aan rasmi ah, keliya qaab dhismeedka heshiiska waa mid lagu sii wadaayo wada hadalada." Ayuu yiri Danon.
Israel ayaan fileynin in Trump uu aqbali doono heshiis si buuxda loogu soo afjarayo dagaalka oo Lubnaan ay ku jirto, iyadoo aan la xaqiijin yoolashii ay 28-kii bishii February u weerareen Iran.
Mareykanka iyo Israel ayaa ugu duulay dalkaasi in la bedelo nidaamka ka arrimiya Iran, in la wiiqo awoodda militari ee ciidamada dalkaasi, in la joojiyo taageerada Iran ee ururada hubeysan ee gobolka iyo in Tehran lagu khasbo inay ka tanaasusho sameysashada nuclear oo dhan, mid militari iyo rayidba.
Madaxweyne Trump ayaa aqbalay heshiiska hadda lala galay Iran oo lagu wado in Jimcaha la saxiixo, xilli adkeysiga Iran uu ka hortagey inay is dhiibto.


