Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka

Dhaxal-sugaha Boqortooyada ahna Raysal Wasaaraha Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov oo ka mid ah masuuliyiinta Moscow ku metelaya shirka Riyadh ee ay la leeyihiin Mareykanka.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa ku warantay in labada dhinac ay ka wada hadleen, sidii loo horumarin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Kulanka ayaa daba socday kulan kale oo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio oo isna ku sugan Riyadh.

Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo mar dambe Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka uu socday ku dhawaad hal saac.

Shirkadaha waaweyn ee saliidda ceyriin ayuu mararka qaarkood uu xiriirkoodu ahaa mid hooseeya, haddase waxaad mooddaa in sidii hore ay isaga soo dhawaanayaan.

Ruushka ayaa sanadkii 2023 dalalka Khaliijka ugu baaqay in ay ku soo biiraan BRICS, inkastoo aanu Sacuudigu aqbalin.

BRICS oo xubno ay ka yihiin qaar ka mid ah dalalka ugu suuqyada waaweyn caalamka sida Shiinaha, Ruushka, Brazil iyo India ayaa waxaa sanadkii 2024 ku biiray Emirate-ka Carabta, Masar, Itoobiya iyo Iran.

Ururkan oo sanadkii 2009 ay aasaaseen Ruushka, Shiinaha, Brazil iyo India ayaa waxaa sanadkii 2010 lagu soo daray Koonfur Afrika.