Dibadbaxayaal careysan oo dab qabadsiiyay Safaaradda Sweden ee Baghdad

Dibadbaxayaal careysan ayaa aroornimadii hore ee Khamiistan xoog ku galay Xarunta Safaaradda Sweden ee dalka Iraq, iyadoona ay dab qabadsiiyeen Dhismaha Safaaradda.

Qiiq ayaa la arkayay oo ka kacaya Dhismaha Safaaradda, wax yar uun ka dib markii boqolaal qof oo dibadbaxayaal ah ay xoog ku galeen dhismahaasi.

Dowladda Ciraaq ayaa cambaareysay falka lagu gubay Safaaradda Sweden ee Caasimadda Baghdad, iyadoona hay'adaha ammaanka fartay in ay baaraan kuwii ka masuulka ahaa.

"Dowladda Iraq waxay ku amartay laamaha amniga inay baaritaan degdeg ahi ku sameeyaan, isla-markaana ay qaadaan tallaabo kasta oo ku aaddan xaaladda shilkan iyo in la ogaado ciddii ka dambeysay." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraq.

Dibadbaxayaasha ayaa ka careysan ogolaansho ay mar kale Booliska Sweden bixiyeen, oo sida la sheegay maanta lagu wado in lagu gubo Kitaabka Quraanka Kariimka iyo Calanka Iraq.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ayaa lagu sheegay in dhammaan Shaqaalaha Safaaradda ay badqabaan.

Warka ayaa lagu cambaareeyay weerarka, iyadoo dhanka kale ay Xukuumadda Stockholm ku baaqday in Dowladda Iraq ay masuuliyad iska saarto amniga Safaaradda.

Dibadbaxayaasha ayaa la sheegay inay yihiin taageereyaasha Wadaadka Shiicada Iraq ee Muqtada al-Sadr.

Waa weerarkii labaad ee lagu qaado Safaaradda Sweden ee dalkaasi, tan iyo markii Kitaabka Quraanka Kariimka 28-kii bishii hore ee June lagu gubay afaafka hore Masaajid ku yaala Magaalada Stockholm ee dalkaasi Sweden.