Dibadbaxyo rabshado wata oo ka socda dalka Pakistan, ka dib markii Imran Khan la xiray
Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka socda dalka Pakistan, ka dib markii laamaha amniga ay Talaadadii xireen Raysal Wasaarihii hore ee dalkaasi, Imran Khan.
Taageereyaashiisa ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi qaarkood, iyadoona ay meelaha qaarkood isku dhaceen ciidamada amniga.
Kumanaan taageereyaasha Xisbiga Khan ee PTI ayaa gilgilay Caasimadda Islamabad, Karachi, Lahore, Peshawar iyo magaalooyin kale, kuwaa oo dab qabadsiiyay xarumo dowladeed.
Taageereyaasha Khan ayaa dalbanaya in xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo ninkaasi, oo mar kale u taagan jegada Raysal Wasaaraha.
Masuuliyiinta Xisbiga PTI ayaa ugu yeeray shacabka in dalka oo dhan ay ka dhigaan dibadbaxyo lagu dalbanayo sii deyntiisa.
Khan ayaa lagu xiray Magaalada Islamabad, ka dib markii uu ka soo muuqday Xarunta Maxkamadda Sare ee dalkaasi, halkaas oo lagu waday in ay ka bilaabato dhageysiga mid ka mid ah kiisas dhowr ah oo lagu soo eedeeyay.
Rana Sanaullah, Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan ayaa sheegay in Mr. Khan ay soo xireen xafiiska la xisaabtanka qaranka (NAB), ka dib markii aanu hor imaan xafiiska, xilli la ogeysiiyay in xafiiskaasi laga doonayo.
Maxkamadda Sare ayaa ayidday xarigga Khan, iyadoona mid sharci ah ku sheegtay tallaabada xabsiga loogu taxaabay.
War ka soo baxay Taliska Booliska Pakistan ayaa lagu sheegay in ninkaasi su'aalo la xiriira eedeymo musuq-maasuq lagu weydiin doono Xarunta Taliska Booliska ee Magaalada Islamabad.
Warka ayaa lagu sheegay inaanan ninkaasi maanta la horgayn doonin maxkamadda, lana baajiyay maxkamadeyntiisii Arbacadan.
Ali Bukhari oo ka mid ah qareenada difaacaya Imran Khan ayaa sheegay in ciidamadu ay jirdileen Raysal Wasaarihii 22aad ee Pakistan.
Xaaladda dalka Pakistan ayaa u muuqato mid cakiran, iyadoo ay maanta xiran yihiin goobaha waxbarashada iyo xarumaha waaweyn ee laga dukaameysto ee dalkaasi.
Goor sii horreysay dowladda ayaa hawada ka saartay barraha bulshada, sidoo kalena waxay xadiday isticmaalka guud ee Internet-ka.
Khan ayaa dalkaasi Raysal Wasaare ka soo noqday, intii u dhaxeysay bishii August ee sanadkii 2018 illaa bishii April ee sanadkii 2022.







