Dilka Ismail Haniyeh oo dhaawac weyn ku noqday Madaxweynaha is bedeldoonka Iran
Dilka u muuqday in sida weyn loo qorsheeyay ee Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh loogu gaystay Caasimadda Tehran ayaa dhaawac weyn ku noqday qorshaha siyaasadeed ee Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian uu ku doonayay in uu wax kaga bedelo hannaankii ay ku shaqeynayeen madaxdii ka horreysay, dowladdiisuna uu ku hoggaamiyo siyaasad furfuran.
Hoggaamiyaha Xamaas ayaa la dilay maalintii 1aad ee uu shaqada bilaabay Madaxweynuhu, iyadoona ay shaqadu u bilaabatay maalin ay Iraaniyiintu ku tilmaameen mid aad u xun.
Madaxweynaha oo Talaadadii uun la caleemo-saaray ayaa si weyn uga carooday dilka siyaasadeed ee loo gaystay Hoggaamiyihii Xamaas, waxaana uu ku hanjabay in Israel ay ka shalaayi doonto dilka Ismail Haniyeh.
"Waxaan ka dhigi doonnaa argagixisada kuwo ka shalaaya falkooda fuleynimada ah." Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian oo wacad ku maray in Iran ay difaaci doonto sharafteeda iyo karaamadeeda, iyadoo ka jawaabeysa fara-gelinta lagu soo sameeyay madaxbannaanideeda dhuleed.
Madaxweynaha ayaa shaqada la kowsaday maalin aan wanaagsaneyn, marka aad eegto hanjabaadda uu jeediyay maalintiisii ugu horreysay ee xafiiska, tanina waxay dhaawaceysaa ballanqaadkiisii ahaa inuu hagaajinayo xiriirka dalku la leeyahay caalamka, oo ay ku jiraan reer galbeedka, balse dembigan dhacay ayay Iraaniyiintu u arkaan mid aan laga aamusi karin.
Madaxweynaha is bedeldoonka Iran ayaa doorashada ku galay inuu hagaajin doono dhaqaalaha xumada uu dalku la liicayo, isagoo wax ka bedel ku sameynaya siyaasadda ay kula macaamilaan caalamka iyo inuu adkeyn doono amniga & nabadda gobolka.
Warbaahinta Iran ayaa ku warameysa in la dilay mid ka mid ah marti sharaftii lagu soo casuumay munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweynaha cusub, iyadoona uu Madaxweynuhu la qalbi jabsan yahay in uu noqday masuulkii ugu dambeeyay ee la kulma Ismail Haniyeh.
Ismail Haniyeh oo deganaa dalka Qatar ayaa hoggaaminayay wafdiga diblomaasiyadda Xamaas ee dalkaasi u tegay caleemo-saarka Madaxweyne Pezeshkian. Ismail Haniyeh oo ahaa Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas ayaa ururka ku metelayay fagaareyaasha caalamiga ah.
Hoggaamiyahan ayaa lagu dilay gantaal aan la aqoon halka laga soo tuuray oo ku dhacay hoygii laga dejiyay Magaalada Tehran. Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Israel ay sameysay ficil ay ku mudan doonto in la ciqaabo.
Dhimashada Ismail Haniyeh, Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa dabka ku sii shideysa xiisadda ay la foolaneyso Bariga Dhexe.
Gobolka ayaa haatan taagan meel isgoys ah, waxayna khubaradu sheegayaan in la arki doono dad fara-badan oo maalmaha dhow la aasayo.
Iran ayaa ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe, waxayna Israel u aragtaa cadowgeeda ugu weyn ee gobolka.
Iran waa dalka keliya ee muuqdo ee kaalmada militari iyo midda maaliyadeedba siiya ururada loo yaqaano (Dhidibka wax iska caabinta) ee ka jira Yemen, Falastiin, Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq.
Indhaha caalamka oo dhan ayaa ku sii jeeda Bariga Dhexe iyo waxa xigga ee ka soo kordhi doona masiirka gobolka.
Dowladaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamka ayaa wada dadaalo ay iskugu dayayaan inaanay xaaladdu faraha ka bixin.