Diyaarad ay leeyihiin Militariga Iran oo ku burburtay Gobolka Isfahan
Diyaaraddan oo nooceedu ahaa helicopter ayaa maanta ku burburtay Suuqa Khudaarta ee Magaalada Dorcheh ee Gobolka Isfahan ee Bartamaha Iran, halkaas oo Militariga Iran ay ku leeyihiin saldhig weyn oo dhanka cirka ah.
Laba duuliye oo militari ah iyo laba ganacsato ah ayaa ku dhintay shilka diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi, sida ay sheegeen Saraakiisha Iran.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in sababta shilka loo maleynayo inay ka dhalatay cilad farsamo oo diyaaradda ku timid.
Ka dib dhicitaankii diyaaradda, dab ayaa ka kacay suuqa, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA.
Warbaahinta gudaha ayaa baahisay muuqaalo muujinaya burbur ka dhashay shilka iyo daminta dabka.
Xarunta Tababarka Duulista Hawada ee Militariga Iran ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in labada sarkaal ee shilka ku dhintay ay kala yihiin duuliyihii diyaaradda Korneyl Hamed Sarvazad iyo kuxigeenkiisii Gaashaanle Mojtaba Kiani.
Labada qof ee kale ee shilka ku dhintay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen ganacsatadii suuqa, isla-markaana ay goobta ugu dhinteen dabkii qabsaday suuqa, ka dib burburkii diyaaradda.
Sarkaal Irani ah oo lagu magacaabo Asadollah Jafari ayaa sheegay in uu socdo baaritaanka sababta keentay burburka diyaaradda, isla-markaana ay baareyaal u direen goobta.
Khamiistii ayay ahayd, markii diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka Iran oo nooceedu ahaa F-4 ay ku burburtay Gobolka Hamadan ee Galbeedka Iran. Shilkan oo uu ku dhintay mid ka mid ah labadii duuliye ee diyaaradda la socday ayaa la sheegay in ay u badan tahay in cilad farsamo ay ka dambeysay sababta burburka diyaaradda.
Iran ayay dhibaato ka haysataa in ay bedesho diyaaradaheeda duqowbay ee militariga iyo kuwo rayidka ah, sababtu tahay cunaqabateynta tobanaan sano ka hor ay Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub ay ku soo rogeen dalkaasi.














