Diyaaradaha Israel oo markii ugu horreysay bartilmaameed ka fuliyay waqooyiga Lubnaan
Ciidanka Cirka Israel ayaa markii ugu horreysay weerar ka fuliyay magaalada waqooyiga Lubnaan ku taala ee Tripoli, iyadoo Israel ay isku dayeyso in ay wiiqdo kooxaha wax iska caabinta ee dalkaasi.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa saakay beegsaday dhisme ku yaala xerada qaxootiga Beddawi, halkaas oo sida la sheegay ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ururka Xamaas ee Falastiin.
Xamaas ayaa waxay xaqiijisay inay shahiideen Saeed Atallah Ali, xaaskiisii iyo laba gabdhood oo uu dhalay.
Saraakiisha Lubnaan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in duqaynta lagu dilay Sarkaal ka tirsan Xamaas, xaaskiisii iyo laba carruur ah oo ay dhalleen.
Saeed Atallah Ali ayaa lagu sheegay inuu yahay Hoggaamiyaha Garabka Militariga Guutooyinka Xamaas ee Al Qassam ee dalkaasi Lubnaan.
Xamaas ayaa wacad ku martay in ay u aargudi doonaan dilka ay Israel u gaysatay Taliye Atallah.
Taliska Militariga Israel ayaan iyagu ka hadlin duqaynta ay ka gaysteen magaalada dekedda leh ee Tripoli ee waqooyiga Lubnaan, oo ay ku badan yihiin Muslimiinta Sunniga ah ee dalkaasi.
Militariga Israel ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay si weyn u kordhiyay duqaymaha ay ka gaysanayaan dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan, ka dib ku dhawaad hal sano oo duqaymo is tuurtuur ah oo u dhaxeeya iyaga iyo Xisbullah ay ka jireen deegaanada xuduudda ee labada dal.
Israel ayaad mooddaa in ay ka fogaaneyso in Xisbullah oo Shiico ah ay garab iyo gaashaanba ka hesho Muslimiinta Sunniga ee dalkaasi, oo hadda aan qayb ka ahayn dagaalka Israel iyo Xisbullah.
Haddii Sunniga Lubnaan ay iclaamiyaan dagaal dalka lagu difaacayo oo ka dhan ah Israel ayaa waxay taasi noqon doontaa mid aan u wanaagsaneyn Tel Aviv.
Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in haddii dagaalku uu dheeraado aanu noqon doonin mid ay Xisbullah ku keli tahay, isla-markaana ay taageero mug leh ka heli doonto ururada hubeysan ee gobolka iyo dadka kale ee diidan jariimooyinka ay Israel gaysaneyso.