Diyaaradaha Israel oo si ba'an u garaacay qaybaha Marinka Gaza
Ciidamada Israel ayaa maanta si saf mareen ah u garaacay qaybaha Marinka Gaza, iyagoona ku dilay dad fara-badan oo shacab ah.
Ugu yaraan lix qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqayn ay diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen xaafadda Sheikh Radwan ee Magaalada Gaza.
Lix kale oo rayid ah ayaa ku dhintay duqayn kale oo maanta ka dhacday deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza, gaar ahaan aagga Az-Zawayda.
Meydadka saddex qof oo shacab ah ayaa laga soo saaray dhisme ku yaala xaafadda Al-Mina ee waqooyiga Magaalada Gaza, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay beegsadeen.
Meydka qof dumar ah oo lagu dilay duqayn ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Al-Aqsa, ka dib markii Ciidamada Israel ay garaaceen xerada qaxootiga Bureij ee bartamaha Marinka Gaza.
Duqayn ay Ciidamada Israel u gaysteen Dugsiga Holy Family ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar qof.
Duqayntan ayaa daba socoto mid kale oo Israel ay Sabtidii ka gaysatay dugsi ay maamusho Qaramada Midoobey oo ku yaala xerada Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza, waxaana weerarkaasi ku dhintay 16 qof oo dad rayid ah, halka 75 kalena ay ku dhaawacmeen. Dugsigan oo gacanta ay ku hayso Hay'adda UNRWA ayaa gabaad u ahaa shacab Falastiiniyiin ah.
Saacadihii dambe ee maanta, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si xun u garaacay xaafado ku yaala deegaanada Beit Hanoun, Beit Lahiya iyo Rafah, oo ku kala yaala waqooyiga iyo koonfurta Marinka Gaza, mana cadda khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaaray dadka rayidka ah.
Xaalad adag ayaa laga soo sheegaya Isbitaalka Al-Aqsa, kaas oo qaabilaya dhaawacyada laga kala keenayo min bartamaha iyo illaa waqooyiga Marinka Gaza, waana xilli dhakhaatiirta ay ku shaqeynayaan duruufo adag.
Israel ayaa kaga sii dareysa xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza iyo nolosha quusta lagu sheegay ee ay ku nool yihiin dadka reer Gaza.
Israel ayaa waxay ballaarineysaa duqaymaheeda Gaza, iyadoo goobaha caafimaadka laga soo sheegayo shidaal la'aan iyo in sahayda dawada ay gabaadsi ka sii tahay. Isbitaalada iyo xarumaha qaarkood ayaa u xirmay shidaal iyo dawo la'aan, halka qaar kalena ay ku xirmeen weerarada Ciidamada Israel.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa diidan in si buuxda loo soo afjaro dhiigga ay gacmaha kula jiraan ciidamadiisa, isagoona ku adkeysanaya in dagaalka la sii wadi doono, illaa iyo inta laga burburinayo Ururka Xamaas.
Dunida ayaa dagaalkan ku tilmaamtay mid ka dhan ah dadka rayidka ah, inkastoo Tel Aviv ay diidan tahay in dembiyo dagaal ka gaysatay Gaza.
Tan iyo bilowgii dagaalka, Ciidamada Israel ayaa Marinka Gaza ku dilay 38,153 qof oo shacab ah, iyadoo dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 87,828 kale, sida ay Axaddan xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.