Dowladaha Bariga Dhexe qaarkood oo cambaareeyay weerarkii Israel ee Yemen

Dowladaha Bariga Dhexe qaarkood ayaa cambaareeyay weerarkii xagga cirka ee ay Israel Sabtidii ka gaysatay Magaalada Hudaydah ee dalkaasi Yemen.

Dowladaha Kuwait iyo Oman ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay dowladaha gobolka ee cambaareeyay duqayntii is xigxigtay Israel ee ay ku qaadday Dekedda Hudaydah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegay in ficilada Israel ay wax u dhimeen dadaalada caalmiaga ah ee xalka loogu raadinayo in la soo afjaro rabshadaha hareeyay gobolka, isla-markaana ay ka soo horjeedaan hadafka la wada wadaago ee dejinta xiisadda.

Dhankeeda, Oman waxay sheegtay in weerarka lagu qaaday Yemen uu ka dhigan xiisad cusub oo gobolka ku soo korortay, ayna sii adkeyn doonto xaaladda gobolka, isla-markaana ay caqabad ku noqon doonto isku dayada lagu xakameynayo colaadda Bariga Dhexe.

Sidoo kale Iran iyo Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay ayaa cambaareeyay duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Israel ka fuliyeen Hudaydah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Nasser Kanani ayaa sheegay in Israel iyo xulafadeeda oo Mareykanku uu ku jiro ay si toos ah uga masuul yihiin cawaaqibka khatarta ah ee aan la saadaalin karin ee ka dhalan kara dembiyada ka sii socda Marinka Gaza.

Mudaaharaad lagu cambaareynayo duqaymaha Israel ee Hudaydah ayaa ka dhacay dalka Bahrain.

Telefishinka Al Mayadeen ayaa ku waramay in shacabka Bahrain ay isugu soo baxeen waddooyinka Caasimadda Manama, iyagoo ku qaylinaya ereyo ka dhan ah in dowladda dalkaasi ay caadiyeyso xiriirka Israel.

Dhanka kale Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa iska fogeysay wararka la isla dhex marayo barraha bulshada ee sheegaya in diyaaradaha Israel ay adeegsadeen hawada Sacuudiga.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, General Turki Al Maliki ayaa sheegay in Riyadh aysan ka qayb qaadan weerarka ay Israel ku qaadday Hudaydah, isla-markaana aysan cidina u ogoleyn in dalkeeda lagaga duulo dal saddexaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga oo walaac ka muujisay xaaladda ka sii dareysa ee gobolka ka jirta ayaa dhinacyada ugu baaqday in ay is xakameeyaan iyo in dadka gobolka laga fogeeyo khatarta dagaal ballaaran.

Riyadh ayaa Beesha Caalamka iyo dhinacyada saamaynta ku leh labada dhinac ugu baaqday inay gutaan waajibaadkooda, si loo soo afjaro xiisadda gobolka ee xudunteedu tahay colaadda Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar waxay dhankeeda walaac ka muujisay hawlgalka Israel ee lagu bartilmaameedsaday Dekedda Hudaydah.

“Jamhuuriyadda Carabta ee Masar waxa ay walaac ka muujisay hawlgalka militari Israel ee Yemen, taasoo sii kordhineysa xiisadda hadda taagan." Ayay wasaaraddu ku sheegtay war ay soo saartay.

Warka ayaa lagu sheegay "Masar waxay ku baaqeysaa in dhinacyada ay is xakameeyaan."

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhimatay duqaymahan, iyadoo 83 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Yemen ee ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Dowladaha Bariga Dhexe ayaa walaac ka muujinaya in xaaladdu ay gaarto heer aan waxba laga qaban karin.