Dowladaha Khaliijka iyo Mareykanka oo diyaarinaya qaraar ka dhan ah Iran

Wadamada Khaliijka Carabta iyo Mareykanka ayaa ka wada shaqaynaya qaraar cusub, oo lagu dalbanayo in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu go'aan kaga soo saaro xaaladda cakiran ee ka jirta Marinka Hormuz.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Mike Waltz ayaa sheegay in qaraarka ay ku dalbanayaan in la cambaareeyo xayiraadda Iran ee Hormuz.

"Mareykanku waxa uu qaraarkan cusub la diyaarinaya Bahrain, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan Kuwait, Qatar, Emirate-ka Carabta iyo Sacuudiga." Ayuu Safiirka uu maanta u sheegay Warfidiyeenka.

Safiirka ayaa xusay in qaraarka qabyada ah ay toddobaadkan horgayn doonnaa Xubnaha Golaha Ammaanka ee fadhigoodu yahay Magaalada New York.

Qaraarka ayaa imanaya, ka dib markii laba ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ay bishii hore is hortaageen qaraar ay Washington rajeynaysay inay ku riixdo dadaalada caalamiga ah ee lagu soo celinayo xorriyadda socdaalka ee marin biyoodka Hormuz.

Ruushka iyo Shiinaha oo ah xulafada dibadda ee Iran ayaa ka horyimid in qaraarkaasi uu meelmaro, ka dib markii ay sheegeen in Iran ay ficiladeeda Hormuz uga jawaabeyso duulaanka gardarrada ah ee Mareykanka iyo Israel.

Qaraarka cusub ee hadda la diyaarinayo ayaa looga gol leeyahay inay Iran joojiso weerarada ka dhanka ah maraakiibta ka gudbaya Hormuz iyo isku dayga ay ku dooneyso inay ku soo rogto lacago canshuur ah, oo maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ay ku mari karaan marinkaasi.

Iran ayaa horaantii bishii March bilowday inay carqaladeyso isu socodka maraakiibta ee Hormuz, iyadoo kaga aargudaneysa fara-gelinta militari ee Mareykanka iyo Israel.

Gacanka Faaris (Fars) iyo agagaarka Hormuz ayaa waxaa ku xaniban maraakiib fara-badan, kuwaas oo ka baqdin qaba in ay ganaax kala kulmaan Mareykanka, haddii ay bixiyaan canshuurta Iran.

Ciidanka Badda Mareykanka ayaa 13-kii bishii April bilaabay inay go'doomiyaan Dekedaha Iran, iyadoo go'doominta ay qayb ka tahay hubinta in maraakiibta shixnadaha saliidda ee ka imanaya Dekedaha Khaliijka ay bixiyeen wax canshuur ah iyo in kale.

Maraakiibta booyadaha shidaalka ayaa waxaa ku adag in ay isticmaalaan Marinka Hormuz, iyagoo aan ogolaansho ka haysan Ciidanka Badda Iran, sababtu tahay waxay ogyihiin in la gubi karo, haddii aysan marin habka isku dubaridka Dowladda Iran ee habaynta amniga iyo badbaadada, tiiyoo maraakiibtu ay xaaladda ku sii cusleynayso tallaabada uu Mareykanku kaga hortagayo inay wax canshuur ahi bixiyaan.

Caqabadaha isku dhafan ee ka jira Marinka Hormuz ayaa cawaaqib ku yeelanaya sahayda tamarta adduunka iyo xasaradda dhaqaale ee laga dareemay suuqyada caalamka, ka gadaal markii ay Mareykanka iyo Israel ay si wadajir ah ugu duuleen dalkaasi Iran.