Dowladda Federaalka oo magacawday guddi gaar ah oo dagaalka qaabilsan

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish.
Guddigan oo u badan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa gaaraya toddobo xubnood, kuwaas oo noqon doona guddi gaar ah oo Dowladda Federaalka u qaabilsan dagaalka.
Guddigan ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka, Cabdisalaan Cabdi Cali.
Xubnaha Guddiga ee la magacaabay ayaa kala ah: –
Cabdisalaan Cabdi Cali
Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh)
General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
Dr. Cali Xaaji Aadan
Maxamed Cali Xagaa
Maxamed Axmed Amiir
Maxamuud Macalin Xasan


