Dowladda Federaalka oo u diyaargaroobeysa ka hortagga bannaanbaxa mucaaradka ee Muqdisho

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka ay u diyaargaroobayaan inay ka hortaggaan bannaanbax ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ka dhigaan Caasimadda Muqdisho oo dhan.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa bishii hore muddeeyay in 4-ta bishan oo berri ku beegan ay Muqdisho ka dhigi doonaan mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka ayaa bilowgii ka hadlayay mudaaharaad lagu diidan yahay ololaha dhul boobka ee magaalada, kaas oo markii dambe xusul-siibtay mid ka dhan ah muddo kororsiga Hay'adaha Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay aqbali karto bannaanbax nabadeed, oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ay ka qabtaan goobo xadidan oo magaalada ah.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa kuu sheegaya inaanan la ogolaan doonin bannaanbax hubeysan ama rabshado wata oo mucaaaradku ay ka dhigaan magaalada oo idil.

Xeryaha ciidamada ee Muqdisho ayaa waxaa lagu diyaarinayaa ciidamo ay Dowladda Federaalka ugu tala-gashay inay ka hortaggaan bannaanbax ku fida qaybaha magaalada.

Ciidamada amniga ayaa waxaa xalay lagu arkay waddooyinka qaar ee magaalada, iyagoona horudhac u ah ciidamada uu qorshuhu yahay in lagu soo daadiyo waddooyinka magaalada.

Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowr jeer oo hore Madaxda Dowladda Federaalka uga digay in la carqaladeeyo mudaaharaadkoodan.

Dadka reer Muqdisho ayaa welwel ka muujinaya in iska horimaad hubeysan uu ka qarxo amaba ka bilowdo magaalada, iyadoo mucaaradku ay ciidamo hor leh ka qoranayaan caasimadda.

Somaliya ayaa waxaa dhaqan ka noqday inay xiisadaha siyaasadeed meel adag gaaraan, marka sidaan oo kale loogu kala qaybsamo muddo dhaafka hay'adaha dastuuriga ah.