Dunida oo ka hortimid duulaanka ballaaran ay Israel ku qaadday Magaalada Gaza

Caalamka ayaa mar kale laga diiday duulaanka ballaaran ay Israel ku qaadday Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, isla-markaana ay ku sheegtay mid ay si toos ah ugu qaadaneyso magaaladaasi.

Hawlgalkan ayaa kiciyay dareenka bulshada caalamka, iyadoo cid walbana ay eegeyso waxa ka socdo dhulka Falastiiniyiinta ee la go'doomiyay. Israel ayaa lagu eedeeyay inay sii dheereynayso dagaalkan, taas oo wiiqeysa rajadii laga qabay in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza iyo hindisihii ugu dambeeyay xabad joojinta Gaza ee Madaxweyne Donald Trump uu soo jeediyay 7-dii bishan.

Dowladaha reer galbeedka ee xulafada la ah Israel, oo ay ku jiraan Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Canada ayaa sheegay in hawlgalkan uu uga sii darayo xaaladda bani'aadantinimo ee Marinka Gaza, waxayna Israel ugu yeereen in ay joojiso, laakiin uma muuqato mid dhageysaneysa.

Madaxa Fulinta Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa lagu wadaa inay maanta shir guddoomiso kulan ku saabsan soo jeedinta in cadaadis siyaasadeed la saaro Israel, iyadoo kulankaasi looga doodi doono in xiriirka ganacsi loo jaro Israel.

Ursula von der Leyen ayaa bishii August ugu yeertay Israel inay ka laabato qorshaheeda ay ku dooneyso inay kula wareegto Magaalada Gaza, balse Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay fulin doonto go'aamadii ay ansixiyeen Xubnaha Golaha Wasiirada.

Dalal ay ka mid yihiin Spain, Faransiiska, Belgium iyo Netherlands ayaa taageeray in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Midowga Yurub iyo Israel, maadaama xiriirka labada dhinac uu salka ku hayo ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo mabaadi’da dimoqraadiyadda, sida ku cad qodobka 2aad ee heshiiska.

Faransiiska iyo Spain ayaa olole u galay in dib u eegis lagu sameeyo iskaashiga ay la leeyihiin Israel, si looga jawaabo khatar gelinta Tel Aviv ee nolosha in ka badan laba milyan oo qof oo Gaza ku nool.

Reer Yurub ayaa bilowgii taageeray duulaanka Israel ee Gaza, ha yeeshee ay dib ka diideen, ka gadaal markii ay arkeen in dagaalkeedu aanu ahayn mid ka dhan ah Xamaas, isla-markaana ay si nidaamsan ugu leynayso shacabka aan is difaaci karin.

Madaxweynaha Ireland, Michael Higgins ayaa ku baaqay in Israel iyo dalalka hubka siiya laga saaro Qaramada Midoobey.

Hadalkiisa ayaa daba socdo warbixintii Qaramada Midoobey ay sheegeysay in Israel ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza, isla-markaana ay weli ka sii waddo.

Guddiga Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Baaritaanada (COI) ayaa Talaadadii soo saaray warbixin ay ku ogaadeen in Israel ay dadka rayidka ah ku xasuuqeyso Gaza.

Hay'adaha gargaarka ayaa codsaday in la cadaadiyo Israel, si ay u joojiso duulaanka ay ku burburineyso magaalada ku taala waqooyiga Marinka Gaza.

In ka badan 20 hay'adood oo ka shaqeeya arrimaha bani'aadantinimada ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay tallaabo wax ku ool ah ka qaadaan Israel, haddiiba la caddeeyay in ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza.

Hay'adahan oo soo saaray bayaan wadajir ah ayaa aaminsan in la ciqaabi karo Israel, haddii la adeegsado tallaabooyin ay ka mid yihiin cadaadis siyaasadeed, dhaqaale iyo weliba mid sharci ah, si looga joojiyo dhiigga ay gacmaha kula jirto.

Dunida ayaa ka walaacsan duqaymaha aan cidina loo meel dayeynin ee lagu beegsanayo qof kasta oo ku sugan gudaha Gaza, taasna waxay jebineysaa sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada ee ilaalinayay dadka rayidka ah.

Bulshada caalamka ayaa ka hortimid dilka joogtada ah ay Israel ku hayso dadka rayidka ah, barakaca aan dhammaadka lahayn, gargaarka la hortaagan tahay iyo dadka gaajada & xaaladda silica ah ugu dhimanaya Marinka Gaza.