Duqayn naadir ah oo laga fuliyay galbeedka Gobolka Hiiraan

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa Talaadadan ka warbixisay duqayn ay diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Buq Aqable ee galbeedka Gobolka Hiiraan.

Hay'adda NISA ayaa sheegtay in ciidamadeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaankaasi, laguna dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab oo midkoodna uu horjooge ahaa.

NISA waxay magaca horjoogaha ku sheegtay Cabdiraxmaan, balse sida ay sheegtay uu af-garashadiisu ahaa Cabdi Mudalib, isla-markaana uu ahaa madaxii qaraxyada Al Shabaab ee Gobolka Hiiraan.

NISA ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in horjoogahan uu si gaar ah ugu lug lahaa abaabulka falal argagixiso oo ka kala dhacay Degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.

"Horjoogahan ayaa si gaar ah ugu lug lahaa abaabulka iyo maleegidda falal argagixiso oo ka dhacay Degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka, inkastoo aan lagu xusin goorta ay dhaceen falalkaasi.

NISA ayaa dhanka kale sheegtay in 23 xubnood oo Shabaab ahaa lagu dilay duqayn kale oo ka dhacday meel 3km koonfur uga beegan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

"Xogta sirdoon ee ay heshay Hay’adda NISA ayaa muujisay in goob saddex kiilomitir koonfur kaga beegan deegaanka Masaajid Cali Gaduud lagu uruuriyay maleeshiyaad tiradoodu gaareysay ku dhawaad 70 xubnood, kuwaas oo loo qaybiyay hub kala duwan, isla-markaana waday abaabulo lagu qalqalgelinayay amniga Gobolka Shabellaha Dhexe. Markii la xaqiijiyay xogtaas, Ciidamada NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo lagu khaarijiyay 23 dhagarqabe." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka NISA.

Duqaynta ka dhacday deegaanka Buq Aqable ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee laga fuliyo galbeedka Gobolka Hiiraan, muddo dhowr sano ah.

Duqaynta Buq Aqable ayaa ah mid naadir ah oo laga fuliyay deegaankaasi, oo ay si weyn ugu xoogan tahay Al Shabaab.

Shabaabka ayaa Buq Aqable ku leh xarumo ciidan, xero maleeshiyaadka lagu tababaro iyo weliba maxkamad loogu garsooro dadka laga soo dacwoodo iyo kuwa ashtakada qaba, waana deegaan sidoo kale ay Shabaabku ku maxkamadeeyaan dadka ay ku eedeeyaan falalka basaasnimada.

Deegaankan ayaa dhanka galbeed ka xiga Webiga Shabelle oo bari iyo galbeed u kala qaybiya Gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in galbeedka gobolkaasi oo dhan ay Al Shabaab gacanta ku hayso.