Gantaal Irani ah oo afar qof ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto
Afar dumar oo Falastiiniyiin ah ayaa xalay ku dhintay weerar gantaal oo Iran ay ku qaadday dhulka la haysto ee Falastiin ee Danta Galbeed.
Hay'adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in dhacdadu ay ka dhacday deegaanka Beit Awa (Bayt Awwa) oo hoostaga Magaalada Hebron ee koonfurta Daanta Galbeed ee la haysto.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in gantaalku uu ku dhacay goob ay haweenka timaha ku hagaajistan oo ku taala deegaankaasi.
Wakaaladda Wararka WAFA ayaa waxay kaloo sheegtay in saddex iyo toban kalena ay dhaawacmeen, oo mid ka mid ah uu dhaawiciisu culus yahay.
Militariga Israel ayaa sheegay in Iran ay weerarka u adeegsatay gantaalka nooca madaxyada badan wata, isla-markaana uu bambaanooyinka u kala firdhiyay goobo kala duwan.
Waa weerarkii ugu horreyay oo Iran ka gaysato dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto oo dad reer Falastiin ah ay ku dhintaan, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Mareykanka iyo Israel ay kula jiraan Iran, sida ay sheegtay Hay'adda Bisha Cas ee Falastiin.
Haddii si kale loo dhigana waa duqayntii ugu horreysay ay Iran ka gaysato Daanta Galbeed, isla-markaana ay dad rayid ah ku dhintaan.









