Garoonka Aadan Cadde oo mar kale lagu qabtay daroogo la doonayay in dalka la soo geliyo

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa markii labaad bishan gudaheed daroogo ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warsaxaafadeed uu galabta soo saaray ku sheegay in uu gacanta ku dhigay 48 jawaan oo daroogo ah, xilli laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde.

"Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku dhigay markii labaad daroogo ka kooban 48 jawaan, oo midkiiba ay ku jirto 52 baakadood (box) oo daroogo ah, taas oo isku darkeedu noqoneyso 2,496 baakadood iyo 6 kartoon oo xaashida lagu xirxiro daroogada." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in daroogadan oo halis ku ah badqabka bulshada in la qabtay, ka hor intii aysan ka bixin garoonka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxa kaloo uu sheegay in uu wado baaritaano ku aaddan shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan, si gacanta loogu soo dhigo, dabadeedna loo horgeeyo sharciga.

"Daroogan oo ah mid halis ku ah badqabka bulshada ayaa laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla-markaana lagu dhex qabtay intii aysan ka bixin garoonka. Xafiisku waxa uu wadaa baaritaano rasmi ah oo lagu ogaanayo shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan, si gacanta loogu soo dhigo, loona horkeeno caddaaladda horteeda." Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri "Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu adkeynayaa la dagaalanka dembiyada la xiriira daroogada, sidoo kalena digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku howlan soo dejinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed."

7-dii bishan ayay ahayd, markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya laamaha amniga lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde 189 baakadood oo daroogo iyo kiniiniyo isticmaal iyo ganacsi ahaanba mamnuuc ah oo si sharci darro ah lagu soo gelinayay dalka.

Daroogada maanta la sheegay in gacanta lagu dhigay ayaa aad uga badan middii laba toddobaad ka hor lagu qabtay garoonkaasi.

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaan illaa iyo hadda sheegin wax dad ah oo loo qabtay labadaasi kiis, dalalka laga keenay daroogada iyo weliba cidda loo waday amaba ay magaceeda ku socotay.