General Biixi: Waxaan qaadaynaa duulaan iyo guluf colaadeed 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in toddobaadyada soo socda ay ciidamadu qaadi doonaan guluf ballaaran, oo maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin dalka.

Taliyaha ayaa sheegay inay diyaariyeen istiraatiijiyad ay maleeshiyadaasi kaga saarayaan dhulka ay gacanta ku hayaan.

"Toddobaadyada soo socda qorsheyaasha u degsan Shabaab, waxaan ugu talagalnay dhammaan inaan uga sifeyno dhulka ay ku jiraan, marar badan baana dhahnay waan ka sifeynaynaa, wayna dhacday oo sidii bay u dhacday oo uga sifeynay." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri "Haddana ciidamada guluf xoog leh, ayagoo garbo siman u socda ayay ku wajahan yihiin meelaha ay haystaan oo dhan."

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Waxaan bilaabaynaa duulaan iyo guluf colaadeed, waana maqli doontaan, haddii Ilaahay yiraahdo."

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan uu ka jiro deegaanada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug.

Ciidanka Xoogaga Dalka iyo xoogaga deegaan ayaa horey Shabaabka uga saaray, inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen Hirshabelle iyo Galmudug, waana gulufka ay dad badanina is tuseen in muddo kooban lagaga adkaan karo Shabaab, ka dib dhowr iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii Jimcaha Magaalada Baydhabo ka sheegay in dalka uu dhawaan ka bilaabanayo hawlgalo uu sheegayo in lagu soo afjarayo Shabaabka hubeysan.