General Sahal Cabdullaahi Cumar oo xadka Shabellaha Dhexe ka soo xiraya Jalalaqsi

General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa gelinkii dambe ee Isniintii gaaray duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, isagoo xoojinaya qorshaha lagu xirayo xuduudaha Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha oo uu wehliyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ku sugan deegaanka Qoryaale, halkaas oo lagu abaabulayo ciidamadii xiri lahaa waddada Qoryaale ee isku xirto Degmooyinka Jalalaqsi iyo Ceelbaraf.

Qoryaale ayaa ka mid ah deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Xoogaga Macawiisleyda ee ka soo jeeda Degmada Jalalaqsi ayuu qorshuhu yahay inay xiraan waddada xuduudda ee Qoryaale, tani oo qayb ka ah hawlgalka ay ciidamadu ku xaqiijinayaan ammaanka xuduudaha.

Militariga Somaliya ayaa xakameynaya isu socodka maleeshiyada Al Shabaab ee xuduudaha, si loo jaro gurmadkooda, xilligan oo hawlgal uu ka socdo deegaanada Hirshabelle.

Taliska Militariga ayaa yareynaya culeyska ay Shabaabku soo saareen Gobolka Shabellaha Dhexe, oo bartamihii bishii February uu ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta.

Shabaabka oo tan iyo 20-kii bishii February kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan gobolkaasi ayaa waxay weeraradooda caqabad ku noqdeen hawlgalka militari ee lagaga saarayo gobolkaasi.

Gobolka Shabellaha Dhexe ayay xuduudihiisu ku fidsan yihiin Gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Koonfurta.