General Yahya Saree oo sheegay inay gubeen markab marayay waqooyiga Badda Cas

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa Arbacadan sheegay in Ciidamada Yemen ay gubeen markab shidaal oo marayay waqooyiga Badda Cas.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay si guul leh u bartilmaameedsadeen markabka shidaalka Sacuudiga ee NCC WAFA meel u dhow Dekedda Yanbu ee ku taala Badda Cas.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarka loo adeegsaday tiro gantaalada ballaastikada ah.

General Yahya Saree ayaa tilmaamay in tallaabadan lagaga jawaabayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Sacuudiga oo ku soo xadgudbay buu yiri hawada Magaalada Sacda (Saada).

General Saree ayaa intaasi ku daray, tan iyo markii 20-kii bishii July ay go'doominta badeed ku soo rogeen Dekedaha Sacuudiga inay Marinka Bab El-Mandeb ka celiyeen 29 markab oo kuwa shidaalka ah, isla-markaana lala xiriiriyay xeebaha dalkaasi.

Maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee July bilaabay inay ka weecdaan marinka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ka dib markii Xoogaga Xuutiyiinta ay 22-kii bishaasi bilaabeen hawlgalo lagu beegsanayo maraakiibta isku daya inay jebiyaan xayiraadaha saaran Dekedaha Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa maraakiibta shidaalka iyo kuwa shixnadaha ganacsiga ee ku sii jeeda Dekedaha Sacuudiga ama ka imaanaya ka mamnuucay inay adeegsadaan Badda Cas iyo Bab El-Mandeb.

Shirkadaha gaadiidka xamuulka badda oo ka fogaanaya in ay bartilmaameed noqdaan ayaa ka wareegaya Bab El-Mandeb, iyagoo adeegsanaya biyaha Afrika, si ay uga taxadaraan badqabka shaqaalahooda iyo badeecadaha.