Golaha Ammaanka ee QM oo fadhi labaad ka yeeshay colaadda Lubnaan
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay fadhi labaad ka yeeshay xiisadda ka dhex taagan Israel iyo Lubnaan.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa warbixin laga siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan Israel iyo Xisbullah oo laga cabsi qabo in dagaal buuxa uu ka dhex qarxo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in xaaladda gobolka ay ka sii dareyso, loona baahan tahay in tallaabo degdeg ah la qaado.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in ay masuuliyad ka saaran tahay ka hortagga rabshadaha ku sii baahaya gobolka, ka hor inta aysan xaaladdu gaarin meel aan waxba laga qaban karin.
"Sidaan shalay u sheegay Golaha Loo Dhanyahay, dhammaanteen waa inaan ka naxnaa rabshadaha sii fidaya." Ayuu yiri Xoghayuhu.
António Guterres ayaa golaha u sheegay in iyagoo mideysan ay wax badan ka qaban karaan xaaladda.
"Golaha Ammaanka oo mideysan ayaa wax weyn ka bedeli kara xaaladda." Ayuu yiri Guterres oo intaasi ku daray "Dhammaan xubnaha waa inay ka soo baxaan masuuliyadda saaran."
Dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka oo riixaya dadaalada lagu doonayo in xabad joojinta lagaga sameeyo xuduudda Lubnaan iyo Israel ayaa ku baaqay in si degdeg xiisadda loo dejiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noël Barrot ayaa sheegay in Washington iyo Paris ay soo jeediyeen xabad joojin ku-meel-gaar ah oo soconeysa 21 maalmood, si loo ogolaado buu yiri wada-xaajood, ka dib maalmo duqaymo dhimasho badan gaystay oo Israel ay ka fulisay dalkaasi Lubnaan.
Wasiirka ayaa sheegay in dadaalada diblomaasiyadeed ay saacadihii la soo dhaafay xoogeysteen, isla-markaana ay sii wadi doonaan.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa saacadihii dambe ee Arbacadii sheegtay in duqaymaha baahsan ee Israel ay shalay oo keliya ku dhinteen 72 qof, ku dhawaad 400 oo qofna ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda ayaa sheegtay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay 641 qof ku dhinteen weerarada Israel, in ka badan 2,000 oo kalena ay ku dhaawacantay.
Taliska Militariga Israel ayaa xalay soo saaray warbixin ay ku sheegayaan in 2,000 oo bartilmaameed ay ka fuliyeen gudaha Lubnaan, maalmihii ay duqaymuhu socdeen.
Taliska ayaa wacad ku maray in Ciidanka Cirka Israel ay xoojin doonaan bartilmaameedyada ka dhanka ah Xisbullah.
Waa kulankii labaad oo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ka yeeshaan xiisadda labada dal ee cirka isku shareertay, ka dib weeraradii ay Israel toddobaad ka hor ku qarxisay qalabka isgaarsiinta ee Xisbullah.