Golaha Ammaanka oo cambaareeyay weerarka lagu hayo Ciidamada QM ee Lubnaan
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay weerarada sii kordhaya ee toddobaadyadii u dambeeyay ay la kulmayeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Hawlgalka UNIFIL ee dalkaasi Lubnaan.
Golaha Ammaanka ayaa bayaan ay xalay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin weerarada ka dhanka ah Ciidanka Hawlgalka UNIFIL, iyadoona ay weeraradaasi ku dhaawacmeen tobanaan ka mid ah Ciidanka Nabad Ilaalinta.
Weeraradan ayaa khatar dhab ah ku noqday shaqada iyo nolosha ee askarta ku sugan xuduudda koonfureed ee dalka Lubnaan.
Bayaanka Golaha Ammaanka oo ahaa mid maldahan ayaan cidina si gaar ahi loogu eedeyn weeraradaasi, balse waxay u muuqatay mid ku socoto Israel, inkastoo aan si toos ah loo magac dhabin.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa marar kala duwan Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay si ula kac ah u bartilmaameedsanayaan Ciidanka Hawlgalka UNIFIL iyo xeryaha ay degan yihiin.
Golaha Ammaanka ayaa Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah xusuusiyay waajibaadka ka saaran inay ixtiraamaan Ciidamada & Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugan dalkaasi.
Golaha ayaa dhinacyada uga digay inay bartilmaameed ka dhigtaan ciidamadaasi, waxaana uu goluhu ku celiyay taageeraooda buuxda ee UNIFIL iyo in doorkoodu uu muhiim u yahay xasilloonida Gobolka Bariga Dhexe.
Ciidamada Israel ayaa bishii October dhowr jeer weeraray Xeryaha Ciidanka UNIFIL ee ku yaala aagga khadka buluugga ee kala qaybiya xuduudda Lubnaan iyo Israel.
Xoogaga Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale la weeraray 7-dii iyo 8-dii bishan, iyadoona weerarkii November 7-deedii lagu dhaawacay shan ka mid ah Ciidamada Malaysia ee ka tirsan UNIFIL, kuwaa oo xilligaasi kolonyo ay wateen ay diyaarad drone ah ku weerartay magaalada koonfurta Lubnaan ku taala ee Sidon, waana markii ugu horreysay oo Ciidanka Nabad Ilaalinta lagu weeraro meel ka baxsan xuduudda.
Taliska Hawlgalka UNIFIL ayaa Sabtidii sheegay in Ciidamada Israel ay 8-dii bishan burburiyeen qayb ka mid ah gidaarka ku wareegsan mid ka mid ah xeryahooda xuduudda. Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in ficilada Ciidamada Israel ay yihiin xadgudub bareer oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah.
Ciidamada Israel ayaa isku dayaya in Hawlgalka UNIFIL ay ku cadaadiyaan inay banneeyaan xeryahooda, si halkaasi ay iyagu u soo deggaan.
Dhanka kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bani'aadantinimo ee ka dhalatay weerarada aan hadafyada lahayn ee ay Israel ka waddo dalka Lubnaan.
Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in goluhu uu ka walaacsan yahay dhibaatooyinka bani'aadantinimada iyo dhibaatada soo gaartay dadka rayidka ah, burburka kaabeyaasha dadweynaha, waxyeelada goobaha hiddaha & dhaqanka ee Lubnaan iyo duqaymaha kale ee lagu burburinayo goobaha ku yaala Magaalooyinka Baalbek iyo Tyre ee ay Hay'adda UNESCO ku dartay liiska dhaxalka adduunka.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqaymaha Israel ay ku dhinteen 3,365 qof, 14,344 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasaaraddu waxay Israel ku eedeysay in weeraradeeda xagga cirka ay yihiin kuwo aanu wax taxadar ah ka muuqan, taasina ay ugu wacan tahay khasaaraha baahsan ee rayidka.