Golaha Ammaanka oo kulan degdeg ah ka leh xiisadda ka soo korortay Bariga Dhexe

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in goor dhow ay kulan degdeg ah ka yeeshaan xiisadda ka soo korortay Gobolka Bariga Dhexe, ka gadaal markii Israel ay weerar aan horey loo arag ku qaadday goobaha nuclear-ka Iran iyo xarumaha militariga ee dalkaasi.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa diblomaasiyiin magacyadooda la qariyay ka soo xigatay in Tehran ay codsatay kulanka degdegga ah ee Golaha Ammaanka.
Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA ayaa sidoo kale qortay in Ergada Iran ee Qaramada Midoobey ay warqad degdeg ah u direen Golaha Ammaanka, si uu goluhu u cambaareeyo gardarrada Israel, tallaabana looga qaado.
"Warqadda ayaa lagu codsaday in goluhu uu isugu yimaado kulan degdeg ah, si Israel lagu la xisaabtamo falka gardarrada cad." Ayay qortay IRNA.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgelaya Wakiilada 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, oo ay ku jiraan 5-ta dal ee joogtada ah, oo kala ah Shiinaha, Ruushka, Mareykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska.
10-ka dal ee aan joogtada ahayn ayaa kala ah Somaliya, Algeria, Pakistan, Sierra Leone, Kuuriyada Koonfureed, Slovenia, Denmark, Giriiga, Guyana iyo Panama.
Marka laga soo tago in weerarkan uu dabka ku sii shiday xiisaddii Bariga Dhexe ayaa waxa uu haddana abuuray walaac caalami ah, oo laga qabo suurtagalnimada in uu soo dedejiyo isku dhac ballaaran.
Dowlado badan ayaa Israel u arka in ay ka masuul tahay xiisadda sii kordheysa ee ka jirta gobolka iyo cawaaqibka ay ku yeelaneyso dhaqaalaha caalamka, tiiyoo aan haddana la fileynin in loo ciqaabi doono xasaradaha joogtada ah ee ay ku lugta leedahay, marka aad eegto in Mareykanku uu gadaal ka taagan yahay.
Golaha Ammaanka oo ah hay’addii ugu sarreysay Qaramada Madoobey ee dhinaca fulinta ayaa marar badan oo horey ku guuldareystay in ay go'aan mideysan ka qaataan xadgudubyada baahsan Israel ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.
Mareykanka ayaa 20-kii bilood ee u dambeysay oo keliya shan jeer adeegsaday awooddiisa Veto, si aan loo joojin dagaalka lagu hoobtay ee Gaza iyo in aan Israel gacmaha la qaban.
Golaha ayaa horaantii bishan la horkeenay qaraar lagu dalbanayay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalka Gaza, waxaana diiday Mareykanka oo keliya, halka 14-ka dal ee kale ay taageereen, oo ay ku jiraan Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha. Diidmada Mareykanka ayaana waxba kama jiraan ka dhigtay aqlabiyadda.
Go'aan kasta oo goluhu gaaro, haddii uu ka horyimaado mid ka mid ah 5-ta leh ee joogtada ah amaba leh codka Veto ayaa nasaqaya natiijada. Si go'aanka uu u shaqeeyana waa inaanu midkoodna ka hor iman 5-ta dal ee aan la bedelin amaba aan la soo dooran.
Sanadka labaad ee dagaalka Gaza uu socdo, Mareykanka ayaa ku soo uruuray dalka keliya ee golaha ku difaaca Israel, isagoona sii wada taageeradiisa indha la'aanta ah ee Israel.
Mareykanka waa dalka ugu weyn ee taageerada militari iyo midda maaliyadeedba siiya Israel, waana dalka joogtada ah ee ku difaaca Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waana dalka ugu tunka roon xulafada reer galbeedka ee Israel ku ilaaliya Bariga Dhexe.