Golaha Ammaanka oo shir degdeg ah ka leh weerarka lagu qaaday Israel

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa caawa shir degdeg ah ka yeelanaya weerarka ay Xoogaga Xamaas Sabtidii ku qaadeen koonfurta Israel.

Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta oo ka soo gudbay Marinka Gaza ayaa dhul, bad iyo cirba ka weeraray Israel, ka dib muddo dheer oo Israel ay go'doomin ku haysay Gaza.

Weerarkan ayaa galaaftay nolosha in ku dhow kun qof oo labada dhinac ah, iyadoo tiro laba kun ka badan ay ku dhaawacantay, halka ay Xoogaga Xamaas ku qafaasheen kun kale oo isugu jira shacab iyo Ciidamada Israel.

Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu eegaya xiisadda ka soo dhex cusboonaatay labada dhinac.

Israel waxay sheegtay in Golaha Ammaanka ay ka dalban doonto in uu cambaareeyo Xoogaga Xamaas.

Safiirka Israel u jooga Qaramada Midoobey, Gilad Erdan ayaa sheegay in golaha ay weydiisan doonaan in uu si adag uga horyimaado ficilada Xamaas.

Safiirka ayaa Warbaahinta Mareykanka u sheegay in Israel ay ka aargudan doonto cadowgeeda, isla-markaana aanay waxba ula hari doonin, sida uu yiri.

Weerarkan ayaa wax la yaab lihi ku noqday dowladda iyo shacabka Israel, oo weerarka ku tilmaamay mid aan horey noociisa oo kale loo arag.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadalhaysa Xoogaga Xamaas ee maalintii labaad ka dagaalamaya gudaha Israel, waxaana uu weerarkan bannaanka keenay inaanu Sirdoonka Israel ee Mossad u awood badnayn, sidii la moodaayay.

Sirdoonka Mossad ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida sirdoonada ugu awoodda badan dunida.