Golaha Ammaanka oo shir degdeg ah ka yeelanaya xiisadda Bariga Dhexe

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinka dambe ee maanta shir degdeg ah ka yeelanaya xiisadda ba'an ee ka jirta Bariga Dhexe.

Golaha Ammaanka ayaa shirkooda ku yeelanaya Magaalada New York, marka ay saacaddu tahay 4-ta galabnimo ee xilliga magaaladaasi oo ku beegan 11-ka caweysnimo ee waqtiga Geeska Afrika.

Shirkan ayaa la muddeeyay, ka dib codsi golaha uga yimid Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Gilad Erdan.

Safiirka ayaa weerarka Iran ee Israel ku tilmaamay mid halis dhab ah ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka. 

"Waxaan filayaa in goluhu uu isticmaali doono dariiq kasta oo uu tallaabo la taaban karo uga qaado Iran." Ayuu yiri Gilad Erdan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa cambaareeyay weerarkaasi, oo sida uu sheegay kaga sii daraya xaaladda gobolka.

"Aad baan uga walaacsanahay khatarta dhabta ah ee ka dhalan karta weerarka oo gobolka oo dhan gelin kara xaalad adag." Ayuu yiri Xoghayaha oo warkan ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Xoghaye Guterres ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Waxaan si is daba joog ah ugu celcelinaya in gobolka iyo adduunkaba aysan awoodin dagaal kale." 

Weerarka Iran ayaa dabka ku sii shiday xiisadda muddooyinkii ugu dambeysay ka jirtay Bariga Dhexe, iyadoo dunida ay walaac weyn ka muujineyso deganaanshiyo la'aanta gobolka.

Tehran ayaa sheegtay in weerarkeeda uu jawaab u yahay weerarkii 1-dii bishan ay Israel u gaysatay Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq ee dalkaasi Suuriya. Iran ayaa weerarkaasi looga dilay toddobo sarkaal iyo xubno kaloo diblomaasiyiin ah.

Xiisaddan ayaa si weyn looga dareemay gobolka iyo caalamkaba. Xaaladda gobolka ayaana ah mid si weyn u kacsan.