Guddiga Doorashada Turkiga oo shaaciyay in wareeg 2aad oo doorasho la qabanayo

Guddiga Doorashooyinka Turkiga ayaa shaaciyay in loo gudbi doono wareeg labaad oo doorasho, oo ay ku tartami doonaan labada musharax ee ugu cadcad doorashadii dalka ka dhacday, Axaddii.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Ahmet Yener ayaa sheegay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Kemal Kilicdaroglu aanu midkoodna helin tiradii loo baahnaa (Boqolkiiba konton) codadkii la dhiibtay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Madaxweyne Erdogan uu helay (49.5%), halka Kemal Kilicdaroglu uu isna helay (44.89%), sida ku cad natiijada codbixinta.

Gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in wareegga labaad ee doorashada la qaban doono 28-ka bishan.

Waa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Erdogan uusan si toos ah ugu guuleysan wareegga 1aad ee doorashada, saddexdii doorasho ee uu xafiiska u tartamay. Labadii xilli ee hore ayuu Erdogan si toos ah ugu guuleystay wareeggii 1aad ee doorashada.

Dhanka kale Wakaaladda Wararka Turkiga (Anadolu) ayaa sheegtay in Xisbiga Erdogan ee AK Parti uu ku guuleystay 266 kursi oo Baarlamaanka ah, halka Xisbiga Kilicdaroglu ee CHP uu ku guuleystay 166 kursi oo ka mid ah kuraasta Baarlamaanka, oo ka kooban 600 oo kursi. Xisbiyo yaryar oo isbahaysi la leh Xisbiga Erdogan oo ku guuleystay tiro kuraas ah ayaa Xisbiga AK Parti ka dhigeysa xisbiga ugu aqlabiyadda badan Baarlamaanka dalkaasi.

Xeeldheereyaasha ayaa sheegaya in tani ay Erdogan ka caawineyso in mar kale uu xafiiska ku soo laabto, si dalka looga badbaadiyo tafaraaruq siyaasadeed, mar kastana ay wanaagsan tahay in xisbiga haysta aqlabiyadda Baarlamaanka uu maamulo dalka.

Erdogan iyo Kilicdaroglu ayaa labaduba bogaadiyay sida hufan, ee ay doorashadu uga qabsoomtay dalkaasi.