Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay kordhinta Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay qorshaha socda ee lagu doonayo in lagu kordhiyo tirada Xisbiyadda Siyaasadda ee Puntland.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa Khamiistii ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo tirada Axsaabta Siyaasadeed oo laga dhigayo shan xisbi, halka markii hore ka ahaayeen saddex xisbi.
Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in hindisaha wax ka bedelka daastuurka loo soo gudbiyay Golaha Wakiilada Puntland, si ay u ansixiyaan, isagoo intaa ku daray in nidaam sharci ah la marsiin doono.
"Arrintani waa run, xukuumadduna way soo gudbisay oo sharci bay u leedahay, waxaana marinaynaa mar haddii na loo soo gudbiyay sharciga." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa yiri "Marka aad eegto qodobka 139 ee ka waramaya wax ka bedelka dastuurka, wuxuu leeyahay habraac ay shaqadu mareyso, 1- Hindise wax ka bedelka dastuurka waxaa soo jeedin kara (b) shan meelood oo meel Xubnaha Golaha Wakiilada (t) Golaha Xukuumadda, (j) ugu yaraan shan kun oo muwaadin oo codbixiyeyaal ah."
Waxa kaloo uu yiri "Sida uu qodobo qodobka 139 ee wax ka bedelka soo jeedinta dastuurka, waxa uu leeyahay soo jeedinta mar haddii ay timaado Baarlamaanka, waxa uu xaq u leeyahay in la waafajiyo farqadda 2aad oo u dhigan sidatan, markii soo jeedinta ay soo gaarto Golaha Wakiilada waxaa fallanqeynaya guddi gaar ah. Guddigu wuxuu soo jeedinaya talo bixin uu goluhu ka doodayo, dabadeedna uu ku ansixinayo cod hal dheeri ah, si wax ka bedel loogu sameeyo dastuurka."
Siyaasiyiin iyo madax hore oo reer Puntland ah ayaa si weyn uga horyimid in xilligan wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, haddii uu sii dhammaanayo muddo xileedka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoona Madaxweynaha ku eedeeyay in uu tani uga gol leeyahay in uu muddada ku kororsado.
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa meesha ka saaray eedeymaha qaar ay siyaasiyiinta u jeedinayaan in Guddoonka Golaha Wakiilada ay ku milmeen siyaasadda Madaxtooyada Puntland, isla-markaana ay ka shaqeynayaan, sidii Xildhibaanada Baarlamaanka ay u ansixin lahaayeen hindisaha wax ka bedelka ee dastuurka.
"Horta sideedaba anigu ma garan karo masuuliyiinta, waxa ay ka walwalsan yihiin, xaq bayna u leeyihiin in cabashadooda ay waddada sharciga u soo maraan, sida uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland in cabashadooda ay u soo gudbiyaan Golaha Wakiilada, golahana uu muddo soddon maalmood gudahood ah cabashada kaga jawaabo." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray "Sidoo kale hadday qabaan cabasho dastuuri ah, Maxkamaddii Dasrtuuriga ahayd baa jirta oo Golaha Wakiilada ay ansixiyeen Kalfadhigii la soo dhaafay, sidaasi daraadeed iyadana haddii wax cabasho sharciya oo qodobo dastuuriyan qabaana, Maxkamadda Dastuuriga ah bay u gudbin karaan oo kala hadli karaan, laakiin aniga hadda walwal iiga muuqda shaqada, ma jirto."


