Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii la kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka, Danjire Larry André.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo qorshaha lagu xasillinayo deegaanada laga saaray maleeshiyadaasi.

Safiirka ayaa Gudoomiyaha ku ammaanay doorkiisa uu ku wacyigelinayo bulshada reer Hiiraan, si ay u hiigsadaan mustaqbal wanaagsan.

Safiirka ayaa bogga Safaaradda ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in Gudoomiyaha uu ku soo dhaweeyo Safaaraddooda Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa door weyn ka qaatay dagaalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaray bariga gobolkaasi.

Gudoomiye Jeyte ayaa leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada la doonayo in Shabaabka looga suuliyo gobolkaasi.

Jeyte ayaa ka faa'iideystay kacdoonka dadweyne ee bishii September ka bilowday gobolkaasi, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dileen dad safar ahaa, dabna ay qabadsiiyeen gaadiid ganacsi, oo marayay waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas. Jeyte ayaana xilligaasi bulshada reer Hiiraan ku jiheeyay in ay la dagaalamaan maleeshiyadaasi, tani oo xudun u noqotay in dagaalku uu ku fido deegaanada kale ee Hirshabelle iyo Galmudug.

Shabaabka ayaa haatan Gobolka Hiiraan kaga harsan deegaano dhaca dhanka galbeed ee gobolkaasi.