Gudoomiye Jeyte oo digniin u jeediyay gaadiidka isaga kala goosha Beledweyne iyo Buulobarde

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u jeediyay gaadiidleyda ka hawlgala, inta u dhaxeyso Degmooyinka Beledweyne iyo Buulobarde ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay laga bilaabo maanta inaanay jiri karin gaadiid dambe oo adeegsada waddada Jiinka Webiga Shabelle, ee ay horey u isticmaali jireen darawalada gaadiidka xamuulka.

"Laga bilaabo maanta waxaa mamnuuc ah baabuur inta uu Beledweyne ka soo baxo oo Shabaab raashiin iyo shidaal u sida oo Jiinka Webiga soo maro, badar iyo biyo u geeyo, xaasaskooda u soo qaado, xaaraan dambee ka tahay." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa ugu yeeray darawalada in hadda ka dib ay adeegsadaan waddada marta dusha sare, isagoo intaa ku daray in ay khasab tahay in maamulku uu ka warqabo safarkooda, waxa ay sidaan iyo weliba cidda iska leh amaba loo wado.

Gudoomiyaha ayaa iftiimiyay in waddada Jiinka Webiga ay adeegsan karaan oo keliya gaadiidka dagaalka ee ciidamada iyo xubnaha iska soo dhiiba maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiye Jeyte ayaa xusay in maamulku uu la wareegi doono gaarigii ka dhega adeyga buu yiri amarka aan bixinayno, isagoona ciidamada faray in ay sidoo kale la wareegaan hantida saaran gaarigaasi.

"Cid walboo hadda gaarigaaga ilaasho, waxa saaran waxay ka mid noqon doonaan raashiinka ciidamada isticmaalayo, hadduu shidaal yahay iyo hadduu saad yahayba, gaarigana wuxuu ka mid noqon doonnaa baabuurta ciidamadu ku hawlgalayaan, oo loogu adeego ciidanka ayuu ka mid noqon doonnaa." Ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Waxa kaloo uu yiri "Anigu qof aan ujeeddo gaar ah ka leeyahay ma jirto, anigu qof gaar ah oo aan beegsanayo ma jirto, tuulo gaar ah oo aan beegsanayo ma jirto, muraadkaygu waa Shabaab inaan la dagaalamo, sababta loola dirirayaana waa sababta xabadda ugu ridayno, saadkuna waanu ka goonaynaa, shidaalkuna waanu ka jaraynaa." 

Jeyte ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Shabaab dawada ay isticmaalaan Beledweyne ayay uga timaadaa, shidaalka iyo raashiinka ay cunnayaan Beledweyne ayuu uga yimaadaa, oo sababma saadka loo siinayaa, waaba la dagaalamaynaaye, miyaan isku awoodeynaynaa? Waa maya. Nin walboo adeegaaga meeshii kale aad u doonaneyso u doono."

Digniintan ayaa imaanaysa, xilli uu gobolku ka socdo hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Shabaabka.