Hassan Nasrallah: Waxaan ka digaynaa in Qubrus ay dagaalka qayb ka noqoto

Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ayaa Qubrus uga digay inay garab u noqoto Israel, haddii kalena ay bartilmaameed u noqon doonto Xoogaga Xisbullah.
Waxa uu sheegay in Israel ay damacsan tahay in Qubrus ay u adeegsato meel ay ka soo weerarto dalka Lubnaan, taasna ay si adag uga digayaan.
Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ayaa sheegay inay xogta ku hayaan in Israel ay qorsheynayso in garoomada diyaaradaha iyo saldhigyada Qubrus ay u adeegsato arrimo ciidan, isla-markaana ay kaga soo duusho Lubnaan.
"Waxaan ka digaynaa in Qubrus ay cadowga u ogolaato in garoomadooda iyo saldhigyadooda lagaga soo duulo Lubnaan. Haddii ay taasi dhacdo waxay ka dhigan tahay in Dowladda Qubrus ay qayb ka tahay dagaalka, iska caabintuna waxay ula macaamili doontaa qayb ka mid ah dagaalka." Ayuu yiri Hassan Nasrallah.
Hassan Nasrallah ayaa Qubrus ku booriyay in ay ka fogaato colaaddan, si aanay dhibane ugu noqon dagaal aan iyadu khuseyn.
Waa markii ugu horreysay oo Hoggaamiyaha Xisbullah uu u hanjabo Qubrus, oo ah xubin ka tirsan Midowga Yurub oo fadhida bariga Badda Mediterranean-ka ee galbeedka xeebaha Lubnaan iyo Israel.
Qubrus oo qiyaastii 200km u jirta dalka Lubnaan ayay horey ciidamadeeda si wadajir ah ay dhoolatus militari ula sameeyeen kuwa Israel.
Dhanka kale Hassan Nasrallah ayaa ka digay in Xisbullah ay bartilmaameedyo ka dhan ah Israel ka gaysan doonto Badda Mediterranean-ka, haddii Tel Aviv ay ku dhiirato in dagaal buuxa ay la gasho Xisbullah.
Ma sheegin goobta sida saxda ah ee ay uga bartilmaameedsan karaan Badda Mediterranean-ka, balse warkiisa ayaa loo fasirtay mid uu uga la jeedo inay garaaci doonaan goobta gaaska dabiiciga ah Leviathan ee ku taala Badda Mediterranean-ka ee xeebta Israel.
Hassan Nasrallah ayaa ku hanjabay inay ruxi doonaan tiirarka ay ku taagan tahay Israel, haddii dagaal aan laga fiirsan ay ku soo qaaddo koonfurta Lubnaan.
Hassan Nasrallah ayaa sheegaya in Israel aysan heli doonin ammaanka ay u baahan tahay, illaa iyo inta ay weerarada ka waddo Marinka Gaza.
"Xalka dhibaatadiina waa soo afjaridda dagaalka Gaza." Ayuu yiri Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah.
Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel ayaa tan iyo 8-dii bishii October gantaalo isku weydaarsanayay deegaanada xuduudda ee labada dal.
Xisbullah ayaa garab istaag u muujineyso kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Ciidamada Israel kula dagaalamaya Marinka Gaza.