Hawlgal lagu baadigoobayo duuliye American ah oo ka socdo Koonfurta Iran

Waxaa Koonfurta Iran ka socdo hawlgal ballaaran oo lagu baadigoobayo duuliye American ah oo la socday diyaarad dagaal oo Jimcihii lagu soo riday dalkaasi.
Duuliyahan ayaa ka mid ahaa laba duuliye oo la socday diyaarad nooceeda lagu sheegay F-15, iyadoo mid ka mid ah labada duuliye ay Saraakiisha Mareykanka sheegeen in la soo samatabixiyay, midkii labaadna la la'yahay.
Dowladda Iran ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqday inay ka qayb qaataan hawlgalka lagu raadinayo duuliyaha, iyadoona ballanqaaday in ciddii keenta lagu abaalmarin doono 66 kun oo dollar-ka Mareykanka.
Telefishinka Qaranka Iran oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in uu socdo hawlgal ballaaran, oo ujeedkiisu yahay in gacanta dowladda lagu soo simo duuliyaha lagu weysan yahay dalka gudihiisa.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in Militariga Mareykanka ay Sabtidan sii wadaan hawlgal ay dhinacooda ku raadinayaan duuliyaha la la'yahay, iyadoo la adeegsanayo diyaarado.
Wararka ayaa sheegaya in hawlgalka samatabixinta uu ku sii fidayo dhulka fog ee dhaca Koonfur Galbeed Iran.
Iran ayaa Jimcihii sheegtay inay soo ridday diyaarad labaad oo nooceedu uu yahay A-10 Thunderbolt II (Warthog), taas oo ay sheegtay inay qayb ka ahayd hawlgalka lagu baadigoobayo askariga.
Wakaaladda Wararka Iran laga leeyahay ee Fars ayaa sheegtay in diyaaraddu ay ku burburtay Gacanka Fars (Faaris), ka gadaal markii nidaamka difaaca hawada ee Iran uu dhexda u galay.
Diyaaradda la soo riday ee duuliyaha maqan uu la socday ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee Mareykanka uu ku lumiyo dhulka Iran, inta uu socdo dagaalka Bariga Dhexe.
Dhacdadan ayaa timid wax ka yar 48 saac, ka dib khubdbaddii qaran ee Madaxweyne Donald Trump uu jeediyay Arbacadii, isla-markaana uu ku sheegay in la baabi'iyay hubkii Iran, dagaalkana ay ku soo geba-gabeen doonaan laba illaa saddex toddobaad gudahood.


