Hawlgalka lagu baadigoobaya xukunsaneyaasha reer Yaaq-bariweyne oo sii daba dheeraanaya

Saddex bilood ayaa laga joogaa, tan iyo markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay dilka toogashada ah ku xukuntay lixda nin ee ka soo jeeda deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana aysan ciidamadu gacanta ku soo dhigin raggaasi.
Xukunsaneyaasha oo ka mid ahaa maleeshiyadii ay isbaarada u tiilay deegaankaasi, lana qaaday 23-kii bishii November ayaa la xukumay iyagoo maqaneyaal ah.
Maxkamadda Militariga ayaa 22-kii bishii November dil ku xukuntay Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey), ka dib markii ay ku heshay in 11-kii bishaasi ay shan qof ku dileen Yaaq-bariweyne, waana ka hor inta aan la qaadin jidgooyadii u tiilay deegaankaasi.
Hawlgalkan ayaa waxaa cad in uu sii daba dheeraanayo, sababtu tahay ciidamada oo aan taageero ka haysan dadka deegaanka oo diidan in ay la shaqeeyaan Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka iyo Booliska Saldhigga Degmada Wanlaweyn.
Ciidamadan oo uu hoggaamiyo Taliyaha Guutada 7aad, Korneyl Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa Maxkamadda Militariga ka haysta waaran ay nolol ama geeri mid uun ku keeni karaan xukunsaneyaasha.
Xukunsaneyaasha ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan tuulooyinka ku dhow dhow deegaanka Yaaq-bariweyne, iyaga oo gabaad ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah oo aad u hubeysan.
Ciidamada ayaa dhowr askari laga dilay 20-kii bishii January, xilli ay hawlgal u aadeen goob ku taala bannaanka Yaaq-bariweyne oo loogu sheegay in raggaasi ay ku sugan yihiin.
Korneyl Axmed Gaashaan ayaa dhowr goor oo hore ragga baxsadka ah ugu baaqay in ay sharciga isu soo dhiibaan, bedelkii ay si xun bannaanada Yaaq-bariweyne ugu dhiman lahaayeen.
Korneyl Gaashaan ayaa ku goodiyay inaysan si naba raggaasi uga baxsan karin gacanta sharciga, dhawaa iyo dheeraana ay gacanta ku soo dhigi doonaan.
Ragga baxsadka ku maqan ayaa waxaa ku jira Ciise Cabdi Maxamed oo loo yaqaano (Calaan), kaas oo madax u ahaa maleeshiyadii dhowrka sano ay isbaarada u tiilay Yaaq-bariweyne.


