Hay'adaha caalamiga ah oo ka horyimid inay ka qayb qaataan gargaar qaybinta Gaza

Hay'adaha ka shaqeeya arrimaha bani'aadantinimada ayaa mar kale mucaaraday qorshaha ay Israel riixeyso ee la doonayo in shirkado gaar ahi loogu wareejiyo keenista iyo qaybinta ee gargaarka bani'aadantinimo ee Marinka Gaza.

Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa dhawaan ansixiyay hindise cusub, kaas oo gargaarka loogu wareejinayo shirkado gaar loo leeyahay oo raashiin qaybin ka sameeya gudaha Gaza.

Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa maalmihii la soo dhaafay ka biyo diiday hannaanka markii ugu horreysay looga wareejinayo shaqadii ay muddada dheer soo wadeen.

Safiirka Mareykanka ee Israel, Mike Huckabee ayaa Jimcihii sheegay in uu jiro qorshe gaar ah oo hadda ka dib gargaarka lagu gaarsiin doono dadka reer Gaza.

Safiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in shirkado gaar loo leeyahay ay gargaarka gaarsiin doonaan Marinka Gaza, isla-markaana ay u qaybin doonaan dadka rayidka ah, si aanu gargaarku ugu dhicin gacanta Xamaas.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) iyo hay'adaha kale ee caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha Gaza oo ka falcelinayay warka Safiirka Mareykanka ayaa sheegay inaysan la shaqeyn doonin shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Afhayeen u hadlay Xafiiska OCHA oo lagu magacaabo Jens Laerke ayaa sheegay inaysan marnaba la shaqeyn doonin shirkadaha la sheegay in lagu wareejinayo howlihii gargaarka ee Gaza.

Afhayeenka ayaa ku waramaya inaysan aqbali doonin in la siyaasadeeyo amaba sida hubka oo kale loo adeegsado kaalmada bani'aadantinimo, maadaama qandaraasleyaal ammaanka ah loo igmaday inay la wareegaan gargaar bixinta Gaza.

"Kama qayb qaadan doono wax ka hor imanaya mabaadi'dayada." Ayuu yiri Jens Laerke oo intaasi ku daray "Ma jirto sabab loo dejiyo nidaam ka soo horjeeda shaqada hay'ad kasta oo bani'aadantinimo."

Mike Huckabee, Safiirka Mareykanka ee Israel ayaa shalay sheegay in Israel aysan ka qayb qadan doonin gaarsiinta ama qaybinta gargaarka, waxaase uu sheegay in Ciidamada Israel ay ilaalin doonaan xeendaabka xarumaha lagu qaybinayo gargaarka, taasoo ay hay'adaha caalamiga ah ka soo horjeesteen.

Israel ayaa 2-dii bishii March soo rogtay go’doomin dhinac walba leh, oo ay isku hortaageyso kolonyada u raran hay'adaha gargaarka ee gelaya Gaza, mana jirto wax gargaar ah oo tan iyo xilligaas la geeyay dhulka go'doonsan.

Wax ka badan muddo laba bilood ah raashiinka, biyaha nadiifta, sahayda dawada iyo shidaalka ayaan la gayn Gaza, waxayna horseeday in dhibaato bani'aadantinimo soo food-saarto in ka badan laba milyan oo shacab aan hubeysneyn ah.

Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa ku adkeysanaya inaysan wax door ah ku yeelan doonin, sida ay wax u socdaan, inta ay Israel go'doominta ku hayso Marinka Gaza, isla-markaana ay diidan tahay in hay'adaha bani'aadantinimada ay gargaarka geeyaan dhulkaasi.

Hay'aduhu waxay sheegeen in xanibaadda Israel ee gargaarka uu baalmarsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo inay sharci darro tahay in gargaarka loo adeegsado, si aan waafaqsaneyn sharciga.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa is hortaagooda gargaarka ku sheegay mid ay cadaadis ku saarayaan Xamaas, si ay u sii deyso Israeliyiinta lagu haysto gudaha Gaza.

Nolosha dadka Gaza ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd gargaarka uu caalamka halkaasi geeyo, ka dib Israel oo ku dhawaad labaatan sano ka hor Marinka Gaza ka dhigtay, sida xabsi dusha ka feedan, marka aad eegto in ay xakameysay wax kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta reer Gaza.