Hoggaamiyaha Iran oo Trump ku gacan seyray in ay is dhiibaan

Hoggaamiyaha ugu sarreya ee dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa Madaxweyne Donald Trump ku gacan seyray baaqiisii ahaa in Iran ay si shuruud la'aan ah isku dhiibto.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii ugu baaqay Iran in ay is dhiibto, isagoona sheegay in ay ogyihiin halka uu ku sugan yahay Hoggaamiyaha Iran, laakiin aysan xilligan dooneyn in ay dilaan.

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran oo ka jawaabayay warka Trump ayaa wuxuu yiri "Iran isma dhiibi doonto."

Hoggaamiyaha Iran oo maanta khudbad uu jeediyay laga daawanayay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Iran ay dalkooda difaaci doonaan, iyagoo taageero ka haysta dadka dalkaasi.

"Ciidamada Qalabka Sida waxay diyaar u yihiin inay difaacaan dalkooda hooyo, waxaana taageeraya masuuliyiinta iyo dhammaanba qaranka." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Iran.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalada hanjabaadda ah ee Trump ee ka dhanka ah isaga, waxaana uu Trump kaga digay fara-gelin kasta oo Militariga Mareykanka uu ku taageerayo Israel.

Waxa uu sheegay in olole kasta oo militari oo lagu taageerayo gardarrada Israel ee ka dhanka ah dalkiisa ay boqolkiiba boqol (100%) ku jabi doonaan sida uu yiri cadowga.

"Shaki la'aan fara-gelin kasta oo Militariga Mareykanka ah waxay keeni doontaa dhaawac aan laga soo kaban karin." Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa waxa kaloo uu sheegay inaysan ebid u tanaasuli doonin Maamulka Israel, taasi bedelkeedana ay si adag ula dagaalami doonaan.

"Ma tusin doono Sahyuuniyadda wax naxariis ah." Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei oo ciidamada faray in ay jawaab adag ka bixiyaan weerarada gardarrada ah ee Israel.

Duqaymaha hawada ee u dhaxeeya Israel iyo Iran ayaa qarxay Jimcihii, ka gadaal markii Israel ay bilowday inay garaacdo goobaha barnaamijka nuclear-ka ee Iran iyo weliba xarumaheeda militariga.

Masoud Pezeshkian, Madaxweynaha Iran ayaa ballanqaaday in jawaabta Iran aysan joogsan doonin, illaa iyo inta ay Israel sii waddo weeraradeeda ka dhanka ah dalkaasi.