Hoggaamiyaha Israel oo bilaabay in uu u ololeeyo xabad joojinta Gaza

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa markii ugu horreysay bilaabay in uu u ololeeyo heshiiska xabad joojinta Gaza, ka dib markii uu kordhay cadaadiska kaga imanaya Madaxweyne Donald Trump.

Telefishinka Channel 12 ee sida dhow loola xiriiriyo Raysal Wasaaraha Israel ayaa ku waramay in Raysal Wasaaruhu uu daneynayo heshiiska xabad joojinta.

Xubno aan magacyadooda la sheegin, kana tirsan Golaha Wasiirada Israel ayaa TV-ga u sheegay in markii ugu horreysay uu Raysal Wasaaruhu muujinayo calaamado uu ku door bidayo in la gaaro heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu uu siyaabooyin kala duwan u qaabilayo Xubnaha Golaha Wasiirada, ka hor kulanka soo socda ee goluhu ugu codeynayo in heshiiska la geli karo iyo in kale.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in Raysal Wasaaruhu uu si dhakhsa ah u doonayo in uu kalsooni ka helo golihiisa, ka hor inta aanu u ambabixin dalka Mareykanka.

Warbaahinta maxaliga ayaa sheegtay in wada hadalada Israel iyo Xamaas ay dib u bilaaban karaan, inta Netanyahu uu ku sugan yahay Magaalada Washington.

Saraakiisha Xafiiska Netanyahu ayaa laga soo xigtay in uu jiro dhaqdhaqaaq firfircoon oo ku saabsan arrinta wada-xaajoodka, si ka duwan wada-xaajoodyadii hore oo shuruudo adag lagu xiri jiray, si aanba wax heshiis ah loo gaarin.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale culeys ku saaraya Dowladda Qatar, si ay Saraakiisha Xamaas uga dhaadhiciso in ay aqbalaan xalal isku dhafan, oo noqon kara habka ugu wanaagsan ee hore loogu socon karo.

Saraakiil ka tirsan Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa Wargeyska Al-Sharq Al-Awsat u sheegay in ururku uu jawaab ka bixiyay soo jeedin ay ka helaan Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff oo ay ku sheegeen mid guud ahaan wanaagsan, inkasta oo shuruudo ay ku xireen.

Labada dhinacba waxay hadda muujinayaan dabacsanaan iyo in dagaalku uu geba-gabo ku dhow yahay, walow Netanyahu ay caqabad ka haysato Wasiirada axsaabta midigta fog ku metela dowladdiisa wadaagga ah, kuwaas oo ka biyo diidan in la soo afjaro dagaalkan.

Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich oo ah xubnaha ugu xagjirsan ee dowladda uu Netanyahu madaxda ka yahay ayaa isku dayaya in ay carqaladeeyaan heshiiska nabadda, lana sii wado dagaalka, illaa iyo inta laga adkaanayo Xamaas.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir ayaa Talaadadii labada Wasiir u sheegay in si weyn loo wiiqay awoodda militari ee Xamaas, balse ay ku xireen shuruud ah in Israeliyiinta dib u dejin looga sameeyo Marinka Gaza, haddiiba militari ahaan la wiiqay Xamaas.

Wasiiradan ayaa waxaa suurtagal ah in ugu dambayn ay mowqifkooda ka soo dabcaan, maadaama Trump uu riixayo in kama dambeys toddobaadka dambe la saxiixo heshiiska xabad joojinta.

Trump ayaa loo arkaa hoggaamiyaha keliya ee ajnabi ah ee Israel ka joojin kara in la sii wado dagaalka Gaza, oo illaa iyo hadda inta la ogyahay ay ku dhinteen 56,647 qof oo Falastiiniyiin ah, halka 134,105 kalena ay ku dhaawacmeen.