Hoggaamiyaha Xuutiyiinta "Joogitaanka Israel ee Somaliland waxay noqon doontaa bartilmaameed"

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Abdul Malik Al Houthi ayaa ku hanjabay in bartilmaameed militari loo aqoonsan doono, haddii Israel ay saldhig ka sameysato meel ka mid ah deegaanada Somaliland, taasoo ah falcelintii ugu dambeysay ee laga bixiyo tallaabada ay Israel aqoonsiga ku siisay Somaliland.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in joogitaanka Israel ee Somaliland ay khatar ku tahay ciidamadooda, isagoona muujiyay inaysan aqbali doonin.
"Waxaan u aragnaa joogitaan kasta Israel oo Somaliland ah bartilmaameed ka dhan ah Ciidamadayada Qalabka Sida, maadaama ay ka dhigan tahay gardarro ka dhan ah Somaliya iyo Yemen, khatarna ku ah ammaanka gobolka." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo warsaxaafadeed soo saaray.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ku dhawaaqista Israel ee Somaliland ay u arkaan mowqif cadowtinimo ah, ayna ku beegsaneyso Somaliya iyo Yemen, isla-markaana ay amni darro uga abuureyso dalalka Geeska Afrika iyo Badda Casba.
Hoggaamiyaha ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay in aysan ogolaan doonin in Somaliland laga soo weeraro dalalka Badda Cas oo Yemen ay ka mid tahay.
"Waxaan adkeynaynaa mowqifkeenna go'an ee inaan garab taaganahay shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha aan nahay, annagoo ka soo horjeedna cadowga Israel. Joogitaanka Israel ee Somaliland waxay noqon doontaa bartilmaameed, waxaana u tixgelin doonnaa bartilmaameed militari." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuutiyiinta.
Hoggaamiyaha ayaa intaasi ku daray "Ma aqbalayno in qayb ka mid ah Somaliya loo bedelo meel uu cadowga Israel uu saldhig ku yeesho, iyadoo lagu xadgudbayo madaxbannaanida dhuleed & qaranimada Somaliya, amniga shacabka Somaliya, ammaanka gobolka iyo tan Badda Cas, intaba."
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa dagaal xagga hawada ah la galay Israel, labadii sano ee dagaalka uu ka socday Marinka Gaza, iyadoona Xuutiyiinta ay cunaqabateyno ku soo rogayn Dekedaha Israel, taasoo ay joojinteeda ku xireen in marka hore la soo afjaro dagaalka Gaza.
Xuutiyiinta ayaa qalalaase amni iyo sicir barar ka abuuray gudaha Israel, ka dib markii ay joogteeyeen gantaalaha iyo diyaaradaha drones-ka ah ee ay ku weerarayaan gudaha Israel, iyagoona Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku beegsaday maraakiib u socotay dhinaca Israel.
Israel ayaa marar badan xagga cirka ka garaacday bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen, laakiin taasi ma noqon mid ku filan in ay jebiyaan ururka reer Yemen, sababtu tahay masaafada fog ee u dhaxeysa labada dal.
Xuutiyiinta Yemen ayaa ah garabka ugu weyn ee ururada militari ee ka jira Bariga Dhexe, waana mid ka mid ah dhidibka iska caabinta ee ay Iran bari-taarto.
Xuutiyiinta ayaa ku hubeysan gantaalada ridada dheer ee guuxooda ka dheereeya, taas oo Yemen ka dhigtay mid ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee haysta gantaalada guuxooda ka dheereeya.


