Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah oo farriin u diray Israel

Kuxigeenka Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa Israel ugu hanjabay in ciidamadeeda ay la kulmi doonaan iska caabin adag, haddii ay go'aansato duulaan dhinaca dhulka oo ka dhan ah dalka Lubnaan.

Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa sheegay in dagaalku uu noqon doono mid daba dheeraada, isla-markaana aysan iska caabinta Lubnaan joojin doonin taageerada shacabka Falastiiniyiinta.

"Aad ayaan diyaar u nahay, haddii Isreliyiintu ay rabaan duulaan dhulka ah. Xoogaga wax iska caabinta ayaa diyaar u ah taas." Ayuu yiri Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah.

Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa sheegay in Israel ay maalmihii ugu dambeysay ay xasuuq ka wadday dalka Lubaan, taas oo ku tusineysa ficiladeeda naxariis darrada ah.

"Israel waxay xasuuq ka gaysaneysaa dhammaan deegaanada Lubnaan, illaa laga wayo guri aan raad ku lahayn gardarrada Israel." Ayuu yiri Sarkaalka labaad ee ugu sarreya Xisbullah oo intaasi ku daray "Israel waxay weerartaa dadka rayidka ah, ambalaasyada, carruurta iyo waayeelada. Ma la dagaalanto dagaal-yahanada, balse waxay gaysataa xasuuq.”

Waxa uu dhalleeceeyay doorka taageerada Mareykanka ee Israel, oo uu ku sheegay mid aan xadidneyn, isagoo intaasi ku daray in Mareykanka uu qaadi doono masuuliyadda, waxa ka jira Gobolka Bariga Dhexe.

Sarkaalkan ayaa wacad ku maray in Israel aysan gaari doonin ujeedooyinkeeda dagaalka, isla-markaana ay Xisbullah ku dhaqmi doonto jidkii uu horey ugu jeexay Hassan Nasrallah, hoggaamiyii geeriyooday ee Xisbullah.

Waxa sidoo kale uu sheegay in Israel ay moodeyso in Xisbullah ay awoodeeda wiiqmeyso, haddii la dilo madaxdeeda, balse taasi ay ka qaadi doonaan sida uu sheegay firfircooni dheeraad ah iyo inay dagaalka sii wadaan.

Naim Qassem ayaa tilmaamay in Xisbullah ay noqon doonto tan ugu dambeysa ee ku guuleysata dagaalkan, haddii sida uu sheegay ay xaq ku taagan yihiin.

"Waan ku guuleysan doonnaa, si la mid ah sidii aan ugu guuleysanay iska horimaadkii aan la galnay Israel 2006." Ayuu yiri Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah oo warkan ku sheegay muuqaal uu maanta soo duubay.

Dhanka kale Naim Qassem ayaa sheegay in Xisbullah ay dhawaan soo dooran doonto hoggaamiye cusub, iyada oo loo marayo habab gudaha ah. Hoggaamiyahan ayuu sheegay in uu bedeli doono Hassan Nasrallah, kaas oo lagu dilay weerar ay Israel ka gaysatay koonfurta Magaalada Beirut.

Hadalka Naim Qassem ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ka soo baxa Xisbullah, tan iyo markii Jimciihii la dilay Hassan Nasrallah oo 32-kii sano ee la soo dhaafay hoggaaminayay ururka.