Hoggaamiyeyaasha caalamka oo soo dhaweeyay heshiiska Iran iyo Mareykanka

Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan in ay gaareen heshiis nabadeed.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee labada dal ee lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe.

Xoghaye Guterres ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo keeneysa in wada hadal lagu xaliyo colaadda.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa soo dhaweeyay heshiiska lagu dhameynayo ku dhawaad afar bilood oo dagaal iyo xiisado ay ka jireen Gobolka Bariga Dhexe.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa heshiiska ku sheegay tallaabo aad muhiim u ah oo hore loo qaaday, laguna soo afjarayo dagaalka.

Raysal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese oo heshiiska bogaadiyay ayaa sheegay inuu rajeynayo in heshiisku uu horseedo nabad waarta.

Raysal Wasaaraha Japan, Sanae Takaichi ayaa ka mid noqotay hoggaamiyeyaashii ugu dambeeyay ee amaanay heshiiska.

Wasiirka Arrimaha Dibadda New Zealand, Winston Peters ayaa dhankiisa heshiiska ku qeexay mid wax ku ool ah iyo tallaabo loo qaaday dhismista xiisadaha iyo horumarinta xasilloonida gobolka, oo muhiim u ah buu yiri amniga dhaqaalaha adduunka.

Hoggaamiyeyaasha dunida ayaa si isku mid ah u taageeray dadaalada socda ee dib loogu furayo marin biyoodka Hormuz, kaas oo wax ka taraya hubanti la'aanta sahayda tamarta adduunka iyo sicirka bararka baahsan ee ka jira suuqyada caalamiga ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska lala galay Iran uu ogolanaayo in maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ay si lacag ah ku maraan Marinka Hormuz.

Marinka Hormuz ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha adduunka, waana isha ugu weyn ee uu ka gudbo batroolka iyo gaaska Bariga Dhexe.