Hoggaamiyeyaasha Khaliijka oo dareen ka muujiyay weerarkii Israel ee Qatar

Duqaynta cirka ay Israel ku qaadday dalka Qatar ayaa dabka ku sii shidday xiisadda muddada labada sano ku dhow ee ka jirta Gobolka Bariga Dhexe ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Marinka Gaza.
Weerarkan ayaa walaac ku abuuray Hoggaamiyeyaasha Khaliijka, kuwaas oo si kulul u cambaareeyay falka guracan Israel ee aan la ogolaan karin.
Raysal Wasaaraha Sacuudiga ahna Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman, Madaxweynaha Emirate-ka Carabta, Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Amiirka Kuwait, Sheikh Mishal Al Ahmad Al Jaber Al Sabah iyo hoggaamiyeyaasha kale ee gobolka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Amiirka dalkaasi Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, iyagoo u muujinaya is garabtaag.
Qaraxyo dhowr ah ayaa Talaadadii laga maqlay Magaalada Doha, waxayna Israel sheegtay in ay bartilmaameedsatay Hoggaamiyeyaasha Xamaas.
Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ay Israel ka gaysato caasimadda dal xubin ka ah Dowladaha Khaliijka Carabta, taasoo ka dhigan astaan koror cusub oo xiisad ah.
Hoggaamiyeyaasha Khaliijka oo siyaabooyin kala duwan u cambaareeyay weerarka Israel ayaa ku tilmaamay fal dembiyeed xadgudub bareer ah ku ah shuruucda caalamiga ah, isla-markaana khatar ku ah ammaanka dalalka gobolka.
Weerarku waxa uu dhaawacayaa iskaashiga difaaca ee Khaliijka & Mareykanka iyo kalsoonida ay Dowladaha Khaliijka ku qabi karaan in Washington ay difaaci doonto.
Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyeyaasha Khaliijka ay taageerayaan in Qatar ay hoggaamiso shir ay yeelanayaan wadamada Carabta iyo Mareykanka, si aan looga aamusin, isla-markaana aan falkan looga harin Israel.
Jawaabta mideysan ee Carabta iyo isku duubnida dhexdooda ah ayaa wax ka bedeli karta sawirka Bariga Dhexe iyo dheelitirka awoodda gobolka, si Israel loo xakameeyo.
Haddii dalalka Khaliijka ay tani uga aamusaan Israel ayaa waxay dad badani qabaan inay dhiirigelin doonto Israel, isla-markaana ay falcelin la'aantoodu ku soo dhammaan doonto, sidii horeyba Tel Aviv looga aamusay wixii ay ka gaysaneysay Lubnaan, Suuriya iyo Yemen.
Dhaqdhaqaaqa Carabta ayaa Mareykanka ku khasbaya in uu hoos u eego, waxaan ay Israel waddo ee uu ku lumin karo xulafadiisa muhiimka, kana horkeenaya dunida.