Imaam Masjid oo lagu dilay dalka India

Kooxo la sheegay inay ka tirsan yihiin Hindus-ka midigta fog ayaa weeraray Masaajid ku yaala Magaalada Gurugram ee Gobolka Haryana.

Booliska India ayaa sheegay in kooxahaasi ay rasaas oodda kaga qaadeen Masjidka Anjuman Jama, kuwaa oo sida ay sheegeen markii dambe dab qabadsiiyay Masaajidka. Booliska ayaa xaqiijiyay geerida Maulana Saad oo ahaa Imaamkii Masaajidka.

Booliska ayaa sheegay in saddex qof oo kale ay ku sugnaayeen Masaajidka, xilligii uu weerarku dhacayay, mid ka midana uu weerarkaasi ku dhaawacmay.

"Koox ka kooban 50 illaa 60 qof oo qaswadeyaal ah ayaa rasaas oodda uga qaaday Masaajidka Anjuman saacadihii hore ee Talaadada, taasoo keentay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale." Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka Booliska, Nitish Agarwal oo Warbaahinta la hadlay.

Taliye Kuxigeenka ayaa yiri "Waxaan xirnay dhowr qof oo aan oobi ka qonay, waxaana wadnaa baaritaano ku aaddan dhacdadaasi."

Weerarka ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii rabshado ka dhaceen Degmada Nuh ee deriska la ah ee Waqooyiga Gobolka Haryana.

Tani ayaa ku soo aadaysa, iyadoo kooxaha midigta fog ee Hinduuga ee la safan xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ay olole ka dhan ah Salaadda Jimcaha ka wadeen Gurugram.