India oo walaac ka muujisay weerarada Israel ay ka waddo Lubnaan

Dowladda India ayaa waxay walaac ka muujisay go'aanka Israel ay ku xoojineyso duqaymaha ay ka gaysaneyso dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan iyo hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee Koonfurta Lubnaan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda India, Randhir Jaiswal ayaa sheegay in dowladda dalkaasi ay aad uga walaacsan tahay dadka faraha badan ee ku dhintay duqaymihii Israel ay Arbacadii ka gaysatay Lubnaan.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa xaqiijisay in 303 qof ay ku dhinteen duqaymaha aan loo meel dayin ee Israel, 1,150 kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda India ayaa Jimcahan sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah, iyadoo la ixtiraamayo sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

"India waxay had iyo jeer ay xoogga saartaa ilaalinta dadka rayidka ah oo leh mudnaanta koowaad, ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladuhu, waana lagama maarmaan." Ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamada Israel ayaa daba-yaaqadii bishii March bilaabay hawlgal dhinaca dhulka ah, oo Israel ay sheegtay inay ku abuureyso goob militariga ka caagan oo gudaha xuduudda Lubnaan ah.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay inay qabsan doonaan, oo ay qaadan doonaan illaa Webiga Litani ee Koonfurta Lubnaan, dhulkaas oo uu sheegay in laga ilaalin doono ammaanka deegaanada Waqooyiga Israel.

Tallaabada ay Israel ku xoojisay hawlgaladeeda Lubnaan ayaa kor u qaaday walaaca caalamiga ah ee laga muujinayo siyaasadda ay dhulka uga boobeyso dalkaasi Lubnaan.

Midowga Yurub iyo Ingiriiska oo ah xulafada ugu muhiimsan Israel ee reer Yurub ayaa cambaareeyay dhulka ay Israel sheegtay inay xoogga uga qaadaneyso deriskeeda.

India oo ah dalka ugu weyn Asia ee xiriirka dhow la leh Israel ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee xiriir la leh Israel, isla-markaana ka horyimaada ficiladeeda Lubnaan.

Ficilada Israel ee ka dhanka ah Lubnaan ayaa xadgudub qaawan ku ah sharciga caalamiga ee bani'aadantinimada ee ilaalinaya jiritaanka nolosha iyo xuquuqda rayidka iyo xeerarka kale ee damaanadda qaadaya madaxbannaanida dalalka.

Dhanka kale Randhir Jaiswal, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda India ayaa sheegay inay Delhi si dhow ula socon doonto xaaladda dalkaasi, maadaama ciidamadeeda ay qayb ka yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey (UNIFIL) ee ku sugan Koonfurta Lubnaan ee ilaaliya amniga xuduudda labada dal ee Lubnaan iyo Israel.

Jaiswal ayaa ku nuux-nuuxsaday in Delhi ay ahmiyad siineyso nabadda iyo xasilloonida Lubnaan.

Qaramada Midoobey ayaa Talaadadii Militariga Israel iyo Xoogaga Xisbullah ku eedeysay in ay ka masuul yihiin dilka saddex askari oo ka tirsan Ciidanka UNIFIL, gaar ahaan kuwooda ka socda Indonesia oo bishii hore lagu dilay Koonfurta Lubnaan. Natiijada horudhac ah ee baarintaanka Qaramada Midoobey ayaa muujinaya in mid ka mid ah askartaasi lagu dilay gantaal ka soo dhacay taangiga Ciidanka Difaaca Israel, labadana kalena lagu dilay qarax ay u badan tahay in ay dhigeen Xoogaga Xisbullah, sida uu sheegay Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stephane Dujarric.

Afhayeenka ayaa dhacdooyinkan ku tilmaamay kuwo aan la aqbali karin, wuxuuna sheegay inay noqon karaan dembiyo dagaal.

Dujarric ayaa Israel iyo Xisbullah uga digay in ay ciqaab ka dhalan doonto jebinta shuruucda caalamiga ah, isagoona xusay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres uu codsaday in dacwad lagu soo oogo, kuwii ka masuulka ahaa dilka askartaasi.