Iran oo beenisay war ka soo yeeray Donald Trump

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa beeniyay warka Sabtidii ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump, ee uu ku sheegayay in Iran ay codsatay xabad joojin.
Wasiirka ayaa sheegay in Iran aysan haba yaraatee raadin xabad joojin ama wada hadal lala galo Mareykanka, iyada oo dagaalku uu socdo.
Wasiirka ayaa sheegay in Iran aysan codsan wax heshiis xabad joojin ah ama wada-xaajood ay la gelayaan Mareykanka, sababtu tahay waa inay ku mashquulsan yihiin dagaalka ay kula jiraan Mareykanka iyo Israel.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Tehran ay dooneyso heshiis, iyadoo u muuqato inay diyaar u tahay in ay ku heshiiyaan shuruudo aan u cuntami karin sida uu yiri Mareykanka. Trump ayaana ku goodiyay inay ku dagaalami doonaan shuruudo adag, haddii ay heshiis la gaarayaan Iran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo xalay wareysi siiyay Warbaahinta CBS ee Mareykanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay is difaacaan, wax kale oo miiska saaran aanu jirin.
"Waxaan diyaar u nahay inaan is difaacno, illaa iyo inta ay nagu qaadanayso, tanina waa waxa aan samaynay illaa iyo hadda, waana sii wadaynaa." Ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyay "Kani waa dagaal sharci darro ah oo aan guul lagu gaari doonin."
Araghchi ayaa sheegay in aanay iyagu cidna ku duulin, waxa ay illaa iyo hadda ka jawaabayaana uu yahay gardarrada Mareykanka iyo Israel.
Araghchi ayaa muujiyay inaysan Iran ka leexan doonin xaqa ay u leedahay inay is difaacdo, dadkeedana ay ka difaacdo duulaanka cadowga.
Dagaalka ay ku lugta leeyihiin Mareykanka iyo Israel oo isku dhinac ah iyo Iran ayaa uga sii daraya colaadda muddada dheer ka jirtay Bariga Dhexe.


