Iran oo ciriiri gelisay shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Mareykanka ee Bariga Dhexe

Ciidamada Iran ayaa si aan kala joogsi lahayn u wada weeraradooda ka dhanka ah Israel iyo danaha Mareykanka ee Gobolka Bariga Dhexe, iyagoo ka aargudanaya duulaanka xagga cirka ah ee ay Washington iyo Tel Aviv ku hayaan dalkaasi.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo hoggaaminaya hawlgalada lagu beegsanayo gudaha Israel iyo Saldhigyada Militariga Mareykanka iyo ilaha dhaqaalaha ee Washington ayaa Isniintii soo kordhiyay in ay beegsadaan Safaaradaha Mareykanka ee gobolka.

Iran ayaa weerarka koowaad la beegsatay Safaaradda Mareykanka ee Kuwait, waxayna waaberigii Talaadadan ay garaacday Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga.

Ka dib weerarkii Safaaradda Mareykanka ee Kuwait, isla-markaana aan la weerarin Safaaraddiisa Riyadh waxay Washington soo saartay amar shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta looga daadgureynayo Safaaradda ay ku leeyihiin Jordan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa intaasi ka dib ku talisay in dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Bahrain, Qatar, Kuwait, Sacuudiga, Emirate-ka Carabta, Jordan, Masar, Falastiin, Israel, Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, Yemen, Cumaan iyo Iran ay isaga baxaan dalalkaasi.

Wasaaradda ayaa muwaadiniinta Mareykanka ku boorisay in ay si dhakhsa ah uga baxaan dalalkaasi, sababo la xiriira khataro amni oo halis ah.

Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa dalalka Carabta iyo Israel ka gaysanaya weeraro u muuqdo kuwo aan la xakameyn karin, kuwaas oo ka dhashay hawlgalkii wadajir ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay Sabtidii ku dileen Hoggaamiyihii ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

Xoogaga Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Axaddii ku hanjabay in uu gobolku noqon doono xabaalaha, waxa ay ku sheegeen argagixisada oo Mareykanka ay ula jeedaan.

Kororka weerarada Iran ayaa baqdin badan ka abuuray gobolka oo dhan, wuxuuna dagaalkan ka qarxay gobolka, iyadoo Aqalka Cad ee Mareykanka looga digay in lagu sii talagalo cawaaqib aan la filan karin.

Waxaan oo dhan waxay dhacayaan, iyadoo nidaamka difaaca hawada ee Mareykanka iyo xulafadiisa Israel iyo Khaliijka aysan si sax ah u shaqeyneyn, isla-markaana ay si firfrcoon uga baxsanayaan gantaalada ballaastikada iyo drones-ka ka imanaya dhinaca Iran.

Mareykanka iyo xulafadiisa ugu weyn Bariga Dhexe ee Israel ayaa wajahaya mowjado ballaaran oo duqaymo ah, oo khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba gaysanaya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Iran, illaa iyo inta ay meesha ka saarayaan gantaalada horumarsan ee ay haysato, dalkana ay ka sameynayaan is bedel maamul, taasoo aysan jirin cid sheegi karta muddada lagu xaqiijin karo.

Iran ayaa illaa iyo hadda u muuqato mid aan la jebin karin, mar kasta oo dagaalku uu sii daba dheeraadana waxaa la sheegaya in cidda faa'iidada ku qabto ay iyadu tahay, inkastoo qudheedu uu burbur gaarayo.