Iran oo gantaalo ku weerartay Israel iyo Tel Aviv oo ku hanjabtay aargoosi
Iran ayaa xalay gantaalo ku weerartay Waqooyiga Israel, si Ciidanka Difaaca Israel ay u joojiyaan weerarada ay ka gaysanayaan dalkaasi Lubnaan.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay gantaaladooda ballaastikada la beegsadeen dhowr goobood oo uu ku jiro Saldhigga Ciidanka Cirka Israel ee Ramat David, kaas oo ku yaala meel 20km jihada koonfur bari uga beegan Magaalada Haifa, oo ah tan ugu weyn ee Waqooyiga Israel.
Taliska ayaa sheegay in weerarku uu digniin u yahay Israel, si ay ciidamadeeda u soo afjaraan weerarada ay ka wadaan Lubnaan.
Militariga Israel ayaa sheegay in Iran ay sameysay khalad weyn, iyagoo daba jooga weerarkan ay ka gaysatay dhulka Israel.
Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo General Effie Defrin ayaa sheegay in talisku uu qiimeynayo weerarka, si uu u ansixiyo weeraro aargoosi ah.
General Effie Defrin ayaa Wariyeyaasha u sheegay in weerarkan aanu Ciidamada Israel ka joojin doonin weerarada ay ku hayaan Lubnaan, isla-markaana ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan.
"Ciidamada Israel waxay sii wadi doonaan inay ka hawlgalaan Lubnaan oo dhan, waxaana diyaar u nahay weeraro dheeraad ah." Ayuu yiri General Defrin.
Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in la xiray marinada Marinka Gaza, illaa amar dambe.
"Ka dib weeraradii gantaalada ee Iran ay ku soo qaadday Dowladda Israel, dhowr tallaabo oo muhiim ah oo amniga ah ayaa la hirgeliyay, oo ay ku jiraan xiritaanka marinada Marinka Gaza, oo ay ka mid yihiin Isgoyska Kerem Shalom [Karem Abu Salem] iyo Isgoyska Rafah, illaa amar dambe." Ayaa lagu yiri bayaan uu talisku soo saaray.
Weerarka Iran ayaa yimid, ka dib markii Israel ay gelinkii dambe ee Axaddii garaacday deegaanka Dahiyeh ee koonfurta Magaalada Beirut, iyadoo Iran ay toddobaadkii hore ka digtay inay soo celin doonto weeraradii gudaha Israel, haddii ay weerar dambe ku qaaddo magaala madaxda Lubnaan ee Beirut.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku celiyay in Israel ay tahay inay joojiso weerarada ay ku hayso Lubnaan, haddii kalena ay la kulmi doonto dharbaaxo ka xanuun badan middii xalay.
Taliska ayaa sheegay in Tehran ay shuruud ku xirtay xabad joojintii ay bishii April la gashay Mareykanka, taas oo ahayd in la joojiyo dagaalka Bariga Dhexe oo dhan oo Lubnaan ay qayb ka tahay.
Masiirka Gobolka Bariga Dhexe ayaa noqon kara in mar kale lagu laabto dagaal furan oo dhan walba leh iyo inay xabad joojintu noqoto mid wax ku ool ah.











