Iran oo garaacday haamaha shidaalka ee Dekedda Salalah
Ciidamada Iran ayaa weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan lahayn ku qaaday Dekedda Salalah, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Cumaan.
Wakaaladda Wararka Cumaan ee ONA ayaa sheegtay in weerarku uu dhaliyay dab xoogan oo qabsaday haamaha shidaalka lagu kaydiyo ee Dekedda Salalah.
Saraakiisha Cumaan ayaa laga soo xigtay in dabku uu cagta mariyay dhowr ka mid ah haamihii yiilay qaybta shidaalka lagu kaydiyo ee dekedda.
Weerarka oo dhacay gelinkii dambe ee Talaadadii ayaa dabka ka dhashay waxa uu ku fiday qaybo ka mid ah dekeddaasi.
Dabka ayaa xalay u muuqday mid sii xoogeysanaya oo dhul hor leh ku fidaya, waxayna Wakaaladda Wararka ONA ay sheegtay in uu socdo dadaalo lagu xakameynayo khatarta dabka.
ONA ayaa sheegtay in dabku uu yahay mid nool oo xoog badan, Shaqaalaha Dab-demiskana ay u baahnaan doonaan waqti dheeraad ah, si ay u hubiyaan deminta dabkaasi.
Diyaaradaha drones-ka Iran oo aad mooddo inay yihiin kuwo aan laga hortagi karin ayaa si saf mareen ah u garaacaya ilaha tamarta ee Gobolka Bariga Dhexe.
Iran ayaa hadaf ka dhiganeysa xarumaha wax soosaarka tamarta ee wadamada Carabta, gaar ahaan kuwa Gacanka Khaliijka, iyada oo kaga jawaabeysa duulaanka ballaaran ee Mareykanka iyo israel ee joogtada ka ah dalkaasi.
Taliska Militariga Iran ayaa wacad ku maray inaysan ogolaan doonin in dhibic shidaal ahi laga dhoofiyo gobolka, illaa iyo inta ay Hoggaamiyeyaasha Khaliijka ka dhiidhinayaan in dhulkooda loo adeegsado weerarada lagu hayo dalkooda.
Dagaalka Bariga Dhexe oo maanta galay maalintii 13aad ayaa gaysanaya burbur aan la qiyaasi karin.






