Iran oo ku hanjabtay inay ka aargudan doonto markabka ay ka qabteen Ciidamada Mareykanka

Iran ayaa waxay wacad ku martay inay ka aargudan doonto markabka xamuulka ee Axaddii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Mareykanka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Ciidanka Badda Mareykanka ay markabkaasi ku qabteen meel u dhow Marinka Hormuz, gaar ahaan dhinaca Gacanka Cumaan, xilli uu isku dayay in uu ka gudbo ciidamada go'doominta ku haya Dekedaha Iran.
Markabkan oo lagu magacaabo TOUSKA ayaa ka mid ah maraakiibta xamuulka badda ee qaada kunteenarada ganacsiga. Trump ayaa sheegay in Ciidanka Badda Mareykanka ay si buuxda gacanta ugu hayaan markabkaasi, oo sida uu sheegay ku jiray liiska maraakiibta ay cunaqabateynta saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka.
Taliska Militariga Iran ayaa xaqiijiyay weerarka ay Mareykanku sheegteen, kaas oo uu talisku sheegay in lagu qaaday markab ka soo laabtay Shiinaha.
Taliska Militariga Iran ayaa sheegay in Mareykanka uu jebiyay xabad joojintii labada dal ee la gaaray 7-dii bishan, ka dib markii uu ku eedeeyay inay rasaas ku fureen markab ganacsi oo Iran laga leeyahay, xilli uu dalka dib ugu soo laabanayay.
Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in ay si dhakhsa ah uga aargudan doonaan gardarrada Mareykanka.
"Waxaan ka digaynaa in Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay dhawaan ka jawaabi doonaan, oo ay ka aargudan doonaan burcad badeedda hubeysan ee Militariga Mareykanka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Mowqifka Trump ee ku saabsan la sii wado xanibaadda Dekedaha Iran iyo cawaaqibka ka dhalanaya ayaa abuuraya jewi aad u kacsan, oo keenaya in Mareykanka iyo Iran ay mar kale ku dagaalamaan Gobolka Bariga Dhexe.
Iran ayaa gebi ahaanba qaadacday inay ka qaybgasho wareeg labaad oo wada hadalo ah oo Mareykanka ay kula yeelato Magaalada Islamabad.
Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA ayaa xalay warisay in Tehran aysan wax wafdi ah u diri doonin Islamabad, sababo ku aaddan Trump oo aysan dhab ka ahayn in heshiis la gaaro.
Diidmada Tehran ayaa timid, ka dib markii Trump uu sheegay in Ergada Mareykanka ay Isniinta tagi doonaan Islamabad si loo gaaro heshiis, ka hor inta aysan dhamaan xabad joojintii labada toddobaad oo waqtigeedu ku egyahay Arbacada.
Iran ayaa Axaddii dalbatay in Mareykanka uu joojiyo go'doominta ka dhanka ah dekedaheeda, haddii kalena aysan ka qaybgeli doonin wada hadalada nabadda ee Islamabad, taasoo uu Trump dhegaha ka fureystay.
Trump ayaa Jimcihii Wariyeyaasha u sheegay in ay sii socon doonto xayiraadda dekedaha dalkaasi, illaa Tehran ay heshiis kama dambeys ah la gaarto Washington.


