Iran oo shaacisay tirada dadka kaga dhintay dagaalka

Iran ayaa sheegtay in in ka badan saddex kun oo Iraaniyiin ah lagu dilay weerarada Mareykanka iyo Israel ay ka gaysteen dalkaasi, tan iyo 28-kii bishii February oo dagaalka uu bilowday.

Madaxa Hay'adda Dawaynta iyo Baaritaanka Dembiyada ee Iran (ILMO), Abbas Masjedi Arani ayaa Khamiistan sheegay in dad kor u dhaafaya 3,000 oo qof ay ku dhinteen weerarada cadowga, muddadii uu dagaalku socday.

Abbas Masjedi ayaa sheegay in ku dhawaad afartan boqolkiiba (40%) meydadka dadkaasi aan la aqoonsan karin, isaga oo intaasi ku daray in dadkaasi ay u baahan yihiin baaritaanka shaybaarka cilmiyeysan ee sayniska si loo aqoonsado, ka hor inta aan loo gudbin xubnaha qoysaskooda.

Abbas Masjedi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Saraakiisha Dembi Baarista oo la shaqeynaya Hay'adda Garsoorka ay guda gelayaan baaritaanada lagu aqoonsanayo meydadka dadkaasi.

Abbas Masjedi ayaa tilmaamay in baareyaasha ay ku tiirsan yihiin khibradda laga kororsaday dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iran iyo Israel dhex maray bishii June ee sanadkii hore, taasna ay fududeynayso in loo aqoonsado meydadka dadkaasi, si loogu wareejiyo qoysaskooda, isla-markaana ay u aastaan.

Masjedi ayaa intaasi ku daray in saraakiishu ay diyaariyeen dhammaan qalabka caafimaadka, shaqada harsana ay si dhakhsa ah u dhameystiri doonaan.

Iran iyo Mareykanka ayaa habeenkii Talaadada ku heshiiyay xabad joojin muddo laba toddobaad ah, oo looga gol leeyahay in loogu gogol xaaro heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjarayo dagaalka ay Mareykanka iyo Israel bilaabeen.