Iran oo sheegtay in ay garaacday xarumo ku yaala Magaalada Tel Aviv
Duulaanka hawada ee Iran iyo Israel ayaa galay maalintii shanaad, iyadoo xiisadda labada dal ay sii kordheyso, tan iyo markii Israel ay Jimcihii bilowday weeraradeeda ka dhanka ah dalkaasi Iran.
Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in ay maanta garaaceen Xarunta Taliska Sirdoonka Militariga Israel ee ku taala xaafadda Glilot ee Magaalada Tel Aviv.
Taliska Ilaalada Kacaanka ayaa qoraal ku sheegay in gantaaladoodu ay haleeleen Xarunta Taliska 8200 ee waqooyiga Tel Aviv.
Taliska Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegay in gantaaladoodu ay ku dhaceen Qolka Qorsheynta Hawlgalada ee Hay'adda Sirdoonka Israel ee Mossad, taas oo aan sidaasi uga fogeyn xarunta kale ee la duqeeyay.
Israel ayaan weli ka hadlin sheegashada Iran ee la xiriira weerarka ay ku qaadday goobahaasi, balse goor sii horreysay ayaa waxay Warbaahinta maxaliga ku warantay in la beegsaday goob xasaasi ah oo ku taala Herzliya oo wax yar uun u jirta Glilot, oo ah meesha uu weerarku ka dhacay.
Maadaama ay Israel mamnuucay in muuqaalo laga qaado goobaha la beegsado ayaa waxaa haddana barraha bulshada lagu arkay sawirro si qarsoodi ah loo soo dusiyay, oo muujinaya goobaha la dabsaaray oo ololaya.
Taliska Sirdoonka Militariga iyo Xarunta Hay’adda Sirdoonka ee Mossad ayaa labaduba ku yaala aag si weyn loo ilaaliyo.
Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa sheegtay in 154 qof ay dhaawacmeen xalay, intii ay raadsanayeen goobaha gabaadka ee gantaalada laga galo.
Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in 149 qof la dhigay goobaha caafimaadka, kuwaas oo ay sheegtay in dhaawacoodu uu dhexdhexaad yahay.
Dagaalka Israel iyo Iran ayaa saamayn muuqato ku yeeshay Gobolka Bariga Dhexe, lamana oga waxa uu ku dambayn doono.