Iran oo sheegtay in Mareykanka uu ka soo jawaabay hindisaheeda nabadda

Dowladda Iran ayaa waxay sheegtay in Mareykanka uu ka soo jawaabay hindisaheeda nabadda oo ay u gudbiyeen Washington, iyadoo loo marayo Dowladda Pakistan.
Hindisahan ayaa la xiriira saddex marxaladood oo waaweyn, waxaana ay ujeedadu tahay in muddo soddon maalmood ah xabad joojinta loogu bedelo mid lagu soo afjarayo dagaalka, ka hor inta aan wax kaleba laga wada hadlin.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in Tehran ay derseyso jawaabta ay ka heleen dhinaca Washington.
"Mareykanka ayaa ka soo jawaabay 14-ka qodob ee qorshihiisu ahaa in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka, waxaana hadda dib u eegis ku sameynaynaa jawaabtaas." Ayuu yiri Afhayeenka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay in hindisaha Iran uu u arko mid aan la aqbali karin.
Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi oo hadlayay ka hor inta aanu soo bixin warka Trump ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay soo jeedinteeda lagu soo afjari karo dagaalka, isla-markaana ay tahay in Mareykanka uu kala doorto in la helo heshiis aasaas ah oo dagaalka lagu soo afjarayo amaba uu ku adkeysto siyaasaddiisa sii socoshada dagaalka.
Trump oo Wariyeyaasha kula hadlayay Palm Beach oo ka tirsan Gobolka Florida, ka hor inta aanu u ambabixin Magaalada Miami ayaa sheegay in Mareykanka ay dhici karto inuu dib u bilaabo weerarada ka dhanka ah Iran.
Warkan ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Esmaeil Baghaei, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa loo fasirtay in Trump uu bedelay mowqifkiisii ay ku sii hurinayeen dagaalka.


